Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Digay Kooxo Uu Sheegay Inay Dalka U Heshiiyeen

0
445

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka digay kooxo uu sheegay inay Dalka u heshiiyeen isla-markaana si xirfadeysan uga faa’ideysta Mashaariicda Dalka laga fuliyo.

gggggggggggg

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo badan, ayaa isaga oo ka hadlaya kooxaha Dalka u heshiiyey waxa uu yidhi, “Dalka Gabigiisaba waxa qabsaday  kooxo heshiiyey Magacyada ay doonaan ha yeeshaane.”

Sheekha oo sii hadlaya ayaa sheegay, “Waar Qabiilka ka daaya (Dalka) Annagu Qabiil kama hadallo, waayo? Qabiilku waakii Somaliland xoreeyay bari illaa Galbeed, laakiin, waxaanu ka hadlaynaa Cisaabaad is og oo wax ku heshiiyey oo Xarfaan ah oo yaqaanna Luuqadda  Dadka lagula hadlo Marka Mashaariic qaarkood fulinayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray oo uu soo dhaweeyay Go’aankii Xukuumaddu ka soo saartay Ajaanibkam “Waxaanu (bogaadinaynaa) go’aankii Madaxwaynaha ahaa ee Ajaanibku ama Dalka Sharci ha ku joogo ama Dalka laga saaro.”