Prof Cabdisalaan Yaasiin Oo Ka Tanaasulay Murashaxnimadii Xisbiga Waddani

0
512

Hargeysa(Geeska)-Prof Cabdisalaan Yaasiin oo hore u sheegay inuu xisbiga Waddani gudihiisa uga tartami doono in loo doorto murashaxa xisbiga ee doorashooyinka 2017 ayaa si rasmi ah u sheegay inuu ka tanaasulay tartankaas.

yyyyyyyyyyyyyyyy

Mr. Yaasiin oo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay inuu go’aankaas u qaatay danta guud ee xisbiga, isagoo shirka jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga Waddani. “26 November waxaan ku dhawaaqay inaan ahay murashaxa madaxweyne oo xisbiga Waddani gudihiisa ah, arrintaasi aan maalintaas ku dhawaaqay waxa keenay waxyaabo loo baahanyahay waayo tartanka iyo dimuqraadiyadu waa waxaynu doonayno inaynu ku dhaqano. Tartankaas aan iclaamiyay waxa iska bedelay inaan tartankii ka hadhay.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay  “Maanta xisbiga Waddani waa mid,  aniguna tartankii waan ka hadhay murashaxa xisbiga Waddanina uu yahay Cabdiraxmaan.”