Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Digay In La Iibiyo Carwadii Hore Ee Hargeysa

0
584

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Ahmiyadda ay leedahay in Qofku uu ILAAHAY Talo-saarto, si uu if iyo Aakhiraba u liibaanno.

Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay sida loogu baahan yahay in Doorashada Madaxtooyada ee soo socotaa ay si Caddaalad ah u dhacdo, isago sidoo kalena Shacabka ku dhaqan Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo kuwa kale ee Kaadhadhka Cod-bixinta laga bixin doono ugu baaqay inay si wanaagsan u qaataan, si buu yidhi aad u difaacdaan Xuquuqdiina iyo Xuquuqda Dalkaba.

Sheekhu waxa kale oo uu Khudbaddiisa kaga hadlay isla-markaana kaga digay in la iibiyo Dhismaha loo yaqaanno ‘Carwada Hargeysa’ oo ku dhow Xarunta Dawadda hoose ee Hargeysa, waxaanu isagoo Arrintaa ka hadlaya yidhi “Haddaad Aragto meel la is-haysto, Gefka ugu weyni waxa weeyaan Adduunyo jacayl-baa meeshaa yaalla. Miyaad is leedahay Maanta (Waxa la iibinayaa) Xaruntii Jajabka Hargeysa oo ah halkii ugu dambaysay (dhismayaasha) Suuqa badhtamaha Hargeysa oo Dawladdii aynu la dagaalanay ee (Maxamed Siyaad Barre) ka dhigtay Carwo lagu ururiyo Taariikhda iyo Macluumaadka ay leedahay Hargeysa, Waayo? Innaga oo soo taagan, Wadaadkeeda, Suldaankeeda, Caalimkeeda iyo Wasiirkeedii ayaa waxaynu ku talo-galnay in koox koobani Dhulkii (Danta guud) ku kala tagaan (qaataan).”

Sheekhu wuxuu Xukuumadda iyo Dawladda hoose ee Hargeysa ka waaniyey inay iibiyaan Xarunta Jajabka Hargeysa, “Xukuumadda dhexe ha noqoto ama Dawladda hoose ha noqotee waxaanu leenahay waar meeshaa yaan la iibinin, waa meelihii Taariikhda lahaa, in badan oo Taariikh leh ayaad iibiseen, ee halkan ha iibinina. Kuwa Dilaaliinta ah iyo inta ku Mamay Hantida Ummadda ee doonaya inay Maalmo ku taajiraan, waxaanu leenahay waar Dhulku ma guurayee ka daaya. Inta Damiirka iyo Garashada leh ee danaynaya in Dalkani uu Mustaqbalka wax noqdo, waxaanu leenahay waar ha yeelina (in meeshaa la iibiyo), in badan oo hore ayaad yeesheene.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Waxyaabaha Ummaddu wada leedahay ee ka dhexeeya, “Waxyaabaha innaga dhexeeya waxa ka mid ah Hawada la kiraynayo, waa in Telefoonkii la isku dirayaba ay Dadku Cashuur ku yeeshaan, Shirkadahaa waaweyn ee ay Saacaddii u soo xeroonayaan 7 illaa 9 boqol oo kun (Dollar) waa waxyaabaha innaga dhexeeya. Waxyaabaha kale ee innaga dhexeeya waxa ka mid ah Dhulka. Dhulka ILAAHAY baa leh oo Cid kale oo sheegan kartaa ma jirto. Qof kasta oo ka mid ah Dadka ILAAHAY ku uumay Dhulkan (Somaliland) wuxuu xaq u leeyahay inuu Baloodh helo, waxaanu xaq ugu leeyahay Maamulka markaa jira.”

Sheekhu wuxuu Khudbaddiisa Jimcaha kaga hadlay wanaagga ku jira in Qofka Muslimka ahi uu ILAAHAY Talo-saarto, “Qofka Muslimka ahi inuu ILAAHAY isku dhiibo Noloshiisa ayaa ku hagaageysa. Maxaa Maanta Magaalada jooga Mid maryo cas-cas oo aan Cidna u baahnayn, oo noloshiisa ku fadhiisiyey intii yarayd ee ILAAHAY siiyey, oo aan xaaraan doonayn, oo aan kursi doonayn, oo mid been sheegaya aan daba cararreyn, oo aan Magac doonayn. Badanaa Mid boodhaysan oo maryo Cas-cas, oo laga celayo Albaabada Guryaha ay joogaan kuwa lagu faano, laakiin hadduu ILAAHAY ku dhaarto uu ILAAHAY u fulinayo (wuxuu doonayo).  Qani-nimadu maaha Daaraha Dhaadheer iyo Magacyada iyo waxa laga sheekeeyo, bal eeg kan ILAAHAY wax walba siiyey ee Agoontii boobaya,  bal eeg kan Aabbihii uga dhintay Hantida Xalaasha ah, ee haddana Dhulka boobaya, Waayo? Qani-nimadu waa iimaanka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Doorashada, isagoo farriinna u diray Xukuumadda, Komiishanka iyo Dadweynaha reer Somaliland, “Annagu waxaanu ka mid nahay Dadka taageersan doorashada iyo in la tartamo si aan la isku dilin. Maaha sidii ugu habboonayd (Doorashooyinku), laakiin labada Shar ka fudud-baad qaadanaysaa, markaa Komiishanka waxaanu leenahay waa in Doorashadaa laga ilaaliyo Musuqmaasuqa, waayo? haddii sanduuq keliya la musuqmaasuqu Cid aqbalaysaa ma jirto, taasina waxay keenaysaa dhib badan, markaa waxaan idin leeyahay (Shacabka) Doorashada ha laga qayb-qaato, Xukuumadda, Komiishanka, Ciidammada iyo Hawl-wadeennada Doorashadana waxaanu ku dhiiri-gelinaynaa inay Cadaaladda ilaaliyaan.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, ugu dambayntii wuxuu farriin u diray Dadweynaha Reer Somaliland ee gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex oo Sabtida Maanta u dareeraya qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka, waxaanu yidhi “Dadweynaha Reer Somaliland ee ku nool Gobollada Togdheer, Maroodi-jeex iyo Gobollada hadhay waxaanu u sheegaynaa inay Kaadhadhka (Cod-bixinta) si wanaagsan u qaataan, si ay u difaacaan xuquuqda ay leeyihiin iyo xuquuqda Dalku leeyahay.”