Dadweynaha Reer Hargeysoow Qaata Kaadhka Cod Bixinta Si Aad Hoggaamiye U Doorataan

0
604

 

Calawi Cabdi Gaboobe

Md.Calawi Cabdi Gaboobe aya war-saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay arimha bilawga qaybinta kaadhka cod bixinta ee gobolka Hargesa waxaanu  uu dhigna sidan ;

“Waxa maalmahan bilaabmay bixinta ama qaybinta kaadhka cod bixinta ee komishanka doorashoyinka qaranka ee gobolka Hargeysa , waana gobolka ugu  dadka badan ee lagu kala baxayo doorashada M/tooyada ee inagu soo fool leh  bisha Nov.2017 insha’ Allaah.

Waxa muhuiim ah in la helo lana doorto hogaamiye Han leh , Masu’uuliyada-  na qaadi kara , si fican oo madax banaani ay ka muuqata-na uu gudan kara  waajibaad-kiisa shaqo ee loo igmaday,dalka-na gaadh-siin kara hour-mar la  taaban karo , isla markaana la jaan qaadaya himillada iyo mabaadi’ida lama  tab-taanka ah ee dadka ee ku saleesan ee ku qottoma Mabda’ gooni isu taaga  iyo Madax banaanida qaranimo ee dalkeena hooyo ee Jamhuuriyada  Somaliland.

Dadweynaha G/Hargeysa waxa la gudboon oo muhiim ah inay si laxaad leh uu   qattan kaadhka cod bixinta doorashoyinka si ay uu doortaan hogaamiyaha ay  doonayaan inay codkooda siiyaan ee ay is-le’yihiin marxaladan adag ee uu dalku ku jiro Wuu ka saari kara.waxaanu Allaah Subxaanahau Wa Tacaala ka  beryeyna inu sida khayrka leh ina wafaajiyo”.