Kacaanada Carabta Ka Socda Ma Loo Baahnaa?: Waxa Qoray Sheekh Cismaan Xaaji

4
748

Su’aashaa jawaabteeda waxaan helaynaa markaan yar milicsano xaaladda ay ku sugnaayeen waddamada carabtu kacaaanada ka hor, aan tusaale u soo qaadanno waddanka Masar oo aad arkayso in weli lala daba socdo dibindaabooyinkii lagu wadday muddada dheer.

Masar waxa xukumayay maamul keli taliye ah oo soo taxnaa tan iyo xilligii jamhuuriyadii labaad waxa loogu yeedho ee uu hogaaminayay Jamaal cabdi naasir maamulada tan iyo waqtigaa talinaayay waxay ahaayeen askar garmaqaatayala oo arrinkoodu ku uruuray ilaalinta kursigooda wax kasta oo ay ku kacayso .Maaamulkan ugu danbeeyay ee la tukhaantukhiyay ee xusni mubaarak waddanka waxa uu ka dhigay mid dhinac walba u liita dhaqaale, dhaqan iyo aqoonba ,xitaa waxa uu  u kala qeybiyay qeybo ilaa uu dhegaha isu geliayay muslinka iyo kiristanka la nool,waxa uu iyaga sida ugu xun ula dhaqmay ururka ugug baalladhan masar ee ahkwaanul muslimiinka mar uu xidho, mar uu dacaayad dhegaha ku tiro mar uu cunaqabatayn fikir iyo dhaqdhaqaaqba ku jaangooyo.Waxa uu aad isugu dhejin jiray dawladda yuhuudda ee aafada ku ah waddamada carabta gaar ahaan Falasdiin ilaa  lagaba hayo madaxdooda qaarkood markii isaga xukunka laga tuuray( waxaanu weynay mid ka mida khasnadahayagii ugu waaweynaa ee aan bariga dhexe ku lahayn.Arrinba waxa uu faraha ka baxay markii uu damcay inuu inamadiisa ku wreejiyo xukunka oo ay sida xoolihiisa uga dhaxlaan xukunka isagoo uba qaatay inuu haatan iska yeeshay Masar iyo waxa ku guda jiraba,waxa uu noqday mid laga jecelyahay xagaas iyo Maraykanka laguna necebyahay waddankiisa ,waxa aad u la yaab lahayd sida uu xukunka u jeclaa dadkiisana u karbaashi  jiray inuu ayaamihiisa ugu danbeeyay naf la caarigii uu la soo baxay kaadhkiisii qaaliga ahaa ee uu in badan ku maalay galbeedka ee ahaa war haddaydaan maanta cagaha dhulka iigu xejin waxa gacanta kursiga masar ku dhigi doona akhwaanul muslimiinka.Hadalkan laftiisa ayuu ahaa kuu ku hadaaqay dhiig yacabka reer Suuriya ee ina Asad mar uu  joornaal Faransiis ahi waraysi kula yeeshay Baariis isna haatan qiyaamihiisa ayaa kacsan oo maanta waa kaadh iyo khaatumo la’aan.

Haddaba Masar oo la eegayay in ay noqoto dawladaha waaweyn ee caalamka ayaa noqotay mid ka mida dawladha calamka ugu liita taas ayaa waxa ay niyad jab weyn ku noqotay dadkii reer Masar iyagoo awalba la dhabanaansan dhibaatada qof walba si gaara u taabatay.Markaas waa lagama maarmaan in koobka buuxsamay daato cid qaban karaysayna ma jirin,lagama maarmaan ayay noqotay in madluumku guulaysto oo daalinku ku danbeeyo halka uu maanta taagan yahay,waxa dhacay kacdoon xadaarad ku dhisan oo caalamka wax baray si kasta oo uu yeelayna mawjaddii kacaaanka ayaa la tagtay dulmigii Mubaarak sida ay qaar badan ba horay ula tagtay ilaa siyaad barrihii soomaliya.Hase ahaatee dawladii gaamurtay ee kontonka sano soo xukumaysay ma ay doonin in ay si fudud isu dhiibto iyada oo weli ay fadhiyaan meelo badan oo muhiima oo ay dawladdu leedahay ragii  u bartay qudhunka iyo dhiigmiiradku, waxa ay weli u hanqal taagayaan inay lugaha isku taagaan mar kale iyagoo isku huba inay haystaan hanti faro badan oo meel kasta ay ka dhaansadeen muddadii dheerayd ,iyagoo  weli si laxaad leh u haysta qeybaha kala duwan ee warbaahinta waddanka ka jirta,sidaas awgeed ayaa ay sameeyeen waxa loo yaqaano kacaanka ka horgee kacaan kale,balse wareegyo dhawra ayaa lagu jebiyay oo ay ka mid tahay doorashadii madaxtooyada ee Mursi ku guulaystay, doorashadii labada gole kabaarlamaanka iyo ka shuuraha.dagaalkii ugu danbeeyay ee ay nafta dul dhigeena waxa  uu ahaa kan dhawaanta dhacay ee lagu ansixinayay dastuurka iyagoo u arkaayaya in haddii ay kaas ku khasaaraan ay u dhamaatay kiina waa lagu jebiyay.

Waxaan bisha December 17keedii idaacada BBC ay arrimahan ka waraysatay DR. Sacad Sh Cusmaan,hase ahaatee laba arrimood ayaan is yar dul taagayaa oo diktoorka wax ka yidhi midi waxay ahayad distoorkan la ansixiyay waxa uu is dhex dhigayaa diinta iyo siyaasadda taas oo  dhalin karta isku dhac  maadaama waddanka ay ku wada nool yihiin muslin iyo masiixiyiin ka labaadna waxa uu yidhi waxa loo baahnaa in distoorka aan afti loo qaadin ee meel dhexe la isugu yimaaddo.

                                 Kala fogeeya diinta iy siyaasadda!!

La yaabay waxaan is weydiiyay aniga oo dhabanka haysta saw tani ma ahan akhlaaqda iyo siyaasadda daw ha loo kala yeelo oo siyaasadda iyo siyaasiga iyo ha la yidhaahdo waddadaa mubaax ,deyrkaa banaan?!.

Arrinkan la yidhaahdo waa in la kala saaro siyaasadda iyo diinta waa mawduuc dheer oo u baahan in la lafo guro,waxaanse leeyahay horta waa sheeko baraley ka soo turaanturootay ama laga soo yaboohsaday dunida reer  galbeedka ee maaha wax aynu innnagu shuqul ku leenahay aabayasheenii iyo culimadeenii aan ka soo jeednayna wax ay shuqul ku leeyihiin maaha ,waa arrinka ay reer galbeedku u yaqaaniin Kaysarna sii waxiisa ilaahayna waxiisa sii(Give to god that which is God’s and Give to Caesarthat which is Caesar’s), oo ah boqorka iyo maamulkiisa ha laysu tuuro diintuna masaajidda ha yuururto oo kitaabku miisaska masjidka yaanu ka soo tallaabin.

Inay reer galbeedku sidaa yidhaahdaana waa arrin iyo duruuf u gaar ahayd oo dhibaatadeedana kaniisddu dhigtay.Waxaase is weydiin leh oo waa maxay macnaha ay diintu samaynaysaa haddii aysan raad ku lahayn noloshaydaba iyo waxa lagu kala macaashayo  addunyadan,fikraddani waa ta ay weli reer galbeedku qadhaadhkeedii danbarsanayaan waa ta  keentay diin la’aanta ay maanta la ciirciirayaan sida uu Dr. Hofmaanba(waa aqonyahan,safiir hore oo Jarmal ah soona islaamay markii dambe), ku qoray kitaabkiisa islaamka ayaa ah beddelka ee uu ku yidhi: maanta reer galbeedka diintoodu waa wax cabis wax fuulis, qurux la daawado,caanimo,maamule noqo(power).Iyada oo al og yahay in diinta islaamku ay tahay mid caan ku noqotay inay koobto ooa ay ka hadasho dhamaan qeybaha kala duwan ee nolosha,ayaa fikradda naacaasiyi ka dhigan tahay  jidh bilaa ruuxa wax dhadhana oo ay samaynaysaana ma jirto, waana ta dadkan lala damacsan yahay.

Waatuu galadiston oo ahaa wasiir dibadeed hore ee Ingiriisi  ku tirtirsiyay ciidankiisa iyo maamuladiisii uu u dirayay bariga dhexe ee uu ku yidhi: hawshiinu maaha inaad diintooda ka bedeshaan taasi waa nacasnimo, waar waxaa laydinka rabaa inaad diintooda ka dhigtaan mid bilaa ruuxa oo ka dhigan ha noqdaan qaar aan diintoodu wax raada oo ka muuqda  ku lahayn waaqacooda amaba dheh dhaq-dhaqaaqa noloshooda.

Hadda reer Masar maba rabaan inay axkaam iyo xuduud ku bilaabaan dadkooda laakiinse waxa ay rabaan inay waddanka horumariyaan qofka reer Masar u soo celiyaan rajadiisa gudhay,karaamadiisa lagu tuntay, noloshiisa, amnigiisa ,dhaqaalihiisa iyo  wacyigiisa la fadhataystay balse maaha diktoorku sida uu hadalka u dhigay in laga yaabo in lagu bilaabayo gacmo jaris iwm.

Aan is xasuusinee Masar waa tee?miyaanay ahayn Masarta jaamacadda  Al-ashar ka unkantahay taas oo culimada ay soo saartaa sanad walba aduunka u kala faafaan miyaanaya ahayn Masarta ay indhaha muslinka oo dhami ku jeedaan,miyaanay ahayn ta ay  ku nool yihiin muslinka ugu badan carab.  Xaq bay u leedahay inay diinteeda iyo isirkeeda dhaqameed ay ilaashato.

Dhinac kale waxaan leeyahay miyaan tallow dadka qaarkii la socon mise way illowsan yihiin in distoorkani yahay distoorkii ugu horreeyay ee caddeeyay in dadka masiixiyiinta iyo xitaa yuhuudduba a y xaq u leeyihiin in diintooda isku hagaan oo isku habeeyaaan.Sidaas awgeed wax cabsiya oo muuqataa ma jirto dastuurkani cid walba xaqeedii ayuu siiyay,horena waa ay u wada noolaayeen diimahani Masar wax dhacayna majiro taariikhduna waxa ay caddaysay in masiixiyiintu si wanaagsan ugu noolaayeen hadhka xadaarada islaamka halka ay Roomaaniyiintu si xun ula dhaqmi jireen dadka masiixiyiinta xilligii ay Masar xukumayeen islaamka ka hor,markaas maaha sida ay  ula muuqato dadka qaar.

Qoraaga reer Masar ee la yidhaahdo Cabdi Sabuur Shaahiin ayaa isaga oo ka hadlaaya waqtigii ay Roomaaniyiintu xukumayeen Masar waxa uu yidhi,ka dib markii ay Masar ka mid noqotay dhulka uu xukumayay qaysarkii Roomaanka ,waxuunbuu  u arkaayay qaysarku Masaaridu in aanay macno kale ugu fadhiyin laakiinse ay tahay uun in ay ka xaabsadaan midhaha beeraha ka soo go’a.

Dr.Xasan Ibrahim oo qudhiisu isna taas lafteeda ka warramaya ayaa waxa uu  yidhi waqtigaas maqaamka Masaaridu hoos ayuu u dhacay waxa wiiqantay aqoontii masaarida iyo cilmigii ay lahaan jireen waxaa laga moosay albaabada mansabyada sare ,waxaa si xun Roomanku ugu siyaadiyeen cashuurtii ilaa ayba soo gaadhsiiyeen in aanay qofkooda dhinta xabaalaha ku dari Karin ooysan aasi Karin ilaa ay bixiyaan cashuur.

Haddaba markii islaamku Masar qabsaday ayaa ay masaaridu si wanaagsan u soo dhawaysay waxaanay taariikhdu xusaysaa in Masaaridu islaamka oo keiya ay si qalbi furan u soo dhawaysay markay aragtay dhaqan wanaaga islaamka iyo hanaanka fulinta islaamka ee ay dadka muslinku la yimaadeen iyaga oo barbar dhigaya Roomanka iyo Giriiga xataa Faraacinadii soo xukumi jirtay ee ay ku ab tirsanayeen.

Sidaas ayaa dhamaan Masiixiyiinta Carabta oo dhami u soo dhaweeyeen muslinka. Haddaynu eegno Shaam iyo masiixiyiinteeda waxa uu leeyahay Arnoland kitaaabkisda AL-dacwa ka dib markii ciidamada islaamku soo gaadheen waadiga urdun ciidankii Abu-cubaydana soo gaadha Faxal ayaa ay masiixiyiintii halkaa deganaa u soo Direen warqad muslimiintii waxaana ku qornaa(muslimiintow idinka ayaan ka jecelnahay Roomaanka haba noqdaan Roomanku qaar aan isku diin nahaye maxaa yeelay idinka ayaa noooga naxariis badn,idinka ayaa ka ballan wanaagsan idinka ayaa iska ilaalin og dulmiga,idinka ayaa ka maamul wanaagsan, hasee ahaatee iyagu xoog ayay nagu haysteen ee raalli kamaanaan ahayn.

Waxaa iayna jirtay sida Arnoland  leeyahay in reer Xumus(Suuriya) ay  iyana aalbaabada ka xidheen  ciidankii Hiraqle dabadeena warqad u soo direen ciidankii muslimiinta ay ku leeyihiin(maamulkiina iyo caddaaladiina ayaa nooga fiican oo aanu ka jecelnahay dulmiga iyo xadgudubka Giriigu nagu hayaan).

   Aan cod kukala baxno lafteedu miyaanay ahayn is waafaq iyo wax lagu heshiiyay?!.

Waxa aan fahmi kari waayay  arrinka uu ku sheegay diktoorku is waafaq iyo gor-gortan ha dhaco ka hor inta aan la samaynin aftida distoorka waa arrin la yaable sidee ayay taasi ku iman kartaa haddiiba la isku af garan la’ yahay habka iyo hannaanka geeddi socodka la doonayo in lagu wado reerka ,tani maaha wax lalayaabo  waayo bani-aadanka ayayba caadadiisa tahay in wax kastaba lagu kala arrin duwanaado, maaha wax innagu cusub waase in la helo hab iyo waddo lagu kala hagmo ,dimoqraadiyadda ayaa haddaba noqotay waddadii ay doorteen in ay ku kala socdaan ,waxa laysku gartay in cod iyo aftida dadweynaha lagu kala baxo, haddaba maxaa dhacay ee loogu qanci la’yahay aragtida iyo codka dadweynahah gaar ahaan iyada oo qoladan distoorka diidani mar walba ku celceliyaan inay iyagu haystaan aragtida iyo codka dadka,hadaa maxaa tollow kalsoonida ka qaaday.

DHinac kale miyaan dimoqraadiyada iyo codka in lagu kala baxaa qudheeduba ahayn wax isla qaadasho,is fahan iyo is waafaqa ay la soo taagan yihiin?.kolba bahasha ma sidii ay qaar ugu shaqaynayso ayuunbaa loo dhigayaa sawtii laga kari la’aa dadka qaar iyo adeeradoodba waar dimoqraadiyada iyo cod ku kala adkaanta hanagula shaqaystaan islaamiyiintu, haddana weynagaa arkayna markii la arkay in codku aanu xagooda naas nuujinayni inay u ciirayaan meelo kale oo ay naafacooda gaar ahaaneed ka helayaan iyagoo indhaha ka laabanaya xaga umaddu u janjeedho.Waar maaanta umaddu way digo rogatay way dareen qaadatay waxay doonaysaa tub iyo hannaan cusub oo raganimadoodii ,karaamadoodii taariikhiga ahayd ku soo ceshadaan inay meel  ku habboonka degaan adduunkan nifaaqa iyo nuxusku aafeeyay ee baawarka,aduunka ,magac iyo muuqaal guud  oon waxba ka hoosayni  rogay ee aan mabda’ iyo muhimada xeesha dheer cidina  u jeedin intii la waafajiyay mooyee.

Kacaankan meelo badan oo dunida carabta ka dhacay waxaa la  odorosayaa in uu sii socon doono oo      horta uu carabta inta hadhayna  gaadhi doono ,caalamka carabta iyo dunida islaamkuna way ka daaleen dad kursi ku dirira oo libintan gaaban ee adduuun iyo daba ruqaansiga shisheeyaha weheshaday mala awaalka gaaban  mooday guushii kama dambayska ahayd. Alla wanaagsanaa oo aragti qumanaa qof ku kalsoonaaday oo aaminay dhaqankiisa iyo dadkiisaba, balse aan u gacan togaalaynayn cid kale oo aanay umaddan dameerna wadaagin.Ilaahayow waxaan kaa barinay xukun iyo xaakim wanaagsan ilaahybaana ugu wanaagsan cida wax kala xukunta ,arrinkuna waa isdaba wareeg,kala hami,kala duwanaan tan iyo inta aad adigu wax kala xukumaysid,  dooduna ha furnaato .

Comments are closed.