Beri baa waxaa xanuunsaday libaax ,habar-dugaag oo dhan buu ka dalbaday inay dawo u soo raadiyaan waxaanu kula balamay in maalinta isniinta ee soo socota layskugu yimaado hoygiisa si uu uga gudoomo dawooyinka ay u soo helaan habar-dugaag
Markii ay balantii gaadhay ee dhaman xayawaankii oo dhami joogaan ayaa wuxuu waydiiyeylibaaxii yaa innaga maqan , YEY oo taagan meel aan ka dheerayn libaaxa ayaa intuu soo boodo yidhi waxa maqan dacawo!
Libaaxii intii cadhooday ayuu yidhi haaddoow orodoo soo doon doon dacawo, annaa aqaane shaqadeedee!
Haadkii baa intuu duulay, wuxuu arkay dacawo oo meel aan ka fogeyn kayntii shirku ka socday, reer ag deganaa adhigoodi laba laxaad oo ka mid ah gaad gaadaysa oo damacsan inay cunto , haadkii baa ku yidhi “ dacawooy shirkii kaligaa baa ka maqan boqorkii oo cadhaysana wuxuu yidhi hada u yeedha dacawo , ee inna mari waa lagu sugayaaye , isla markiiba intay dareen qaadatay ayey waydiisay cida u sheegtay libaaxa inaan maqa nahay iyo sida uu ku ogaaday, haadkii wuxuu ku yidhi “ markii libaaxu ku day dayey cida shirka ka maqan ayuu YEYgu intuu is xariifiyey ku yidhi dacawaa maqan sidaasaanu kugu ogaaday libaaxu , intay madaxa ruxday oo ay tidhi haye , ayey labadii laxaad ee ay gaad gaadaysay ku booday oo labada badhyood ka gosatay markaasay tidhi inna mari
Goobtii libaaxa iyo habar dugaag oo dhami joogeen ayey soo gaadheen iyadoo wali la la’a yahay dawadii libaaxu u baahnaa ileen wuu bukaaye ,
Dacawadii oo naxsan oo foor foorar sanaysa ayuu libaaxii indho cadho leh ku soo eegay oo ku yidhi xageedku maqnayd dayayooy ileen balantu maantay ahayde , dawacdii baa tidhi” haa waynu balansanayn boqorow,” laakiin hadaan runta kuu sheego dabiibkaagii uun baan raadinayoo waxaan u tagay maalin dhawayd habar faaliso ah , waxaanay ii sheegtay in dawada qudha ee aad ku boqsan kartaa ay tahay in layskugu kaa daro laba laxaad oo tebisa badhidooda dabadeedna laguugu daro oo lagu shiilow xiniinyo YEY, taas bay dawadaadu tahay ee waa kuwan laxaa badhidoodii ee iga gudoon YEYgana adaa yaqaan sidaad xiniinyaha ugu qaadanayso
Libaaxii intuu dhoola cadeeyey ayuu ku yidhi” horta dayooy waan kugu ogaa caqli badnaanta waanad mahadsan tahay , markaasu libaaxii intuu YEYgii oo agg tagaagnaa eegay yidhi waar qabta oo xiniinyaha ka saara ileen waa dawadaydiiye
Halkaas baana yeygii xiniinyihii lagaga saaray oo uu ku noqday dhufaan
Markaasaa kulankii lagu kala dareeray , YEYgii oo dhiiga shalakhsanaya ayaa meeshii ka dhaqaaqay isagoo waadh waadhsanaya ,YEYgii dhiigii ka da,ayey awgii baa lagihiisa oo cad cadaa ka dhigay casaan taas oo aad moodo inuu xidhan yahay sharabaado cas cas
Dacawadii ayaa intey dhoola cadaysay YEYgii ku tidhi waar hooy, hooy , hada waxaan la hadlayaa inanka sharabaadaa cas cas xidhan, sharabaada casoow afkaagaad eeday , hadaad afkaaga haysan lahayd waxaasi kumay gaadheen! ! !
WQ; Kamaal Xassan Isaaq
0025263-4402758
Email:
kamalcadow@hotmail.com