Shaqaalaha BBC: Ragga Oo Ka Mushahar Badan Dumarka Iyo Gabadh Ka Mid Ahayd Tifatirayaasha Oo Arrintaas Isu Casishay

15
2390

 

London (Geeska)- Tifatirihii arrimaha Shiinaha ee idaacadda BBC Carrie Grissy ayaa shaqada iska casishay kaddib markii ay cadhootay isu dheellitirnaan la’aanta mushaharka ay idaacaddu siiso ragga iyo dumarka u shaqeeya. Grissy oo BBC da u shaqaynaysay muddo 30 sano ah ahaa dhambaal furan oo ay u qortay masuuliyiinta sare waxa ay ku eedaysay in nidaamka mushahar bixinta loo mara uu yahay mid ku dhisan sharcidarro qarsoodina ah.

Grissy waxa ay BBC u sheegtay in ay baaba’day kalsoonidii ay BBC da ku qabtay kadib markii la ogaaday in shaqaalaha muhiimka ah ee mushaharka ay sanadkii qaataan uu yahay 150 kun oo Ginin ay saddex meelood meel keliyi dumar yihiin.

Grissy ayaa warqaddan ay qortay toddobaadkii hore ku sheegtay in ay go’aansatay in ay ka degto xilkii ahaa ‘Tifatiraha arrimaha Shiinaha, kadib markii ay aragtay in ragga shaqadeeda oo kale haya ee la darajada ah shaqo ahaan ay badankoodu qaataan mushahar aad uga badan keeda. Waxa se ay sheegtay in imika aanay shaqadii ka tegeyn oo ay doonayso iyada oo aan xil hayn in ay shaqaale caadiya sii ahaato.

Maadaama oo ay dawladda Ingiriisku bixiso dhaqaalaha ku baxa BBC da, isha lacagtu ka imanaysaana ay tahay cashuurta dadweynaha, Grissy oo ku xeeldheer arrimaha Shiinuhu waxa ay arrintan uga faa’idaysatay in ay dadka u sheegto cabashadeeda, “Waxa aan is leeyahay muwaadinku xaq ayaa uu u leeyahay in uu ogaado ay in jiraan meel ka dhacyo lagula kacayo xeerkii sinnaanta jinsiga iyo in mushaharooyinku noqdaan kuwo aan qarsoonayn oo caddaalad ah”

Bishii toddobaad ee sannadkii 2016 ayaa idaacadda BBC lagu qasbay in ay sheegto dhammaan shaqaalaheeda uu mushaharkoodu ka badan yahay 150 kun oo gini sannadkii. Grissy oo ka hadlaysay dareenkeeda arrintaas la xidhiidhaana waxa ay tidhi, “Argagax ayaa ay ku noqotay markii ay ogaatay in laba nin oo ka mid ah masuuliyiinta ay isku darajada yihiin ay qaataan mushahar qiyaas boqolkiiba 50 ah ka badan mushaharka ay qaataan laba dumar ah oo la darajo iyo waayoaragnimo ahi.

Grissy waxa ay masuuliyiinta sare BBC ka dalbatay in la simo mushaharka afarta tifatire ee arrimaha caalamiga ah u qaabilsan idaacadda BBC, kuwaas oo lab aka mid ah oo ay iyadu ku jirtay dumar ahaayeen. Sida ay Grissy sheegtay BBC da ayaa markii ay cabashadeeda ogaatay u soo bandhigtay in mushaharka si aad ah loogu kordhinayo, laakiin soo jeedintaas waa ay diidday maadaama oo mushaharka loo oo bandhigay uu weli in yar ka hooseeyey mushaharka labada nin ee la xilka ahi qaataan. “Keliya BBC du waa in ay ilaaliso sharciga, ragga iyo dumarkana si isku mid ah shaqada ugu qiimayso” ayaa ka mid ahaa hadalka Grissy ay kaga jawaabtay soo jeedinta mushahar kordhineed ee loo soo bandhigay.

Warbixin ay BBC du baahisay sannadkii hore ayaa muujisay in mushaharka iyo dheefaha kale ee ragga u shaqeeyaa helaan ay boqolkiiba 10.7 ka badan tahay inta ay dumarku helaan. Laakiin agaasimaha guud ee BBC da oo arrintan ka hadlay ayaa ballanqaaday in inta aan la gaadhin sannadka 2020 ka ay BBC du ay hirgelin doonto isbeddel weyn oo dhinac cadaaladda iyo sinnaanta labada jinsi ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here