Qofkii Ugu Horeeyay Oo Ku Guulaystay Dahabkii Shirkada Spot-In General Trading(ANCHOR MILK AGENCY)

0
606

Picture1Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Spot-in General trading Company oo ah wakiilka rasmiga ah ee Fonterra (Newzealand Dairy Product), ayaa shalay hadiyadii u horaysay oo ah dahabkii bakhtiyaa nasiibka ahaa uu helay  mid ka mid ah macaamiisheedu.

Shirkadda oo shalay furtay shixnadii u horaysay ee uu ku jiray dahabka bakhtiyaanasiibka laga helayo, ayaa  waxa dahabkii ugu horeyaya  ku guulaystay Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Axmed oo noqday qofkii u horeeyay ee helay Dahabka, oo daasad caanaha Anchor ah oo uu iibsaday ugu dhex tagay dahab 2gramm ah kaas oo uu qiimihiisu dhan yahay ilaa 120 dollar ( $ 120).

Masuul shirkadda u hadlay ayaa sheegay inay shirkadu ku faraxsantahay inay dahabkan bakhtiyaa nasiibka ah u soo bandhigto macaamiisheeda. Dahabku wuxuu isugu jiraa miisaano kala duwan oo kala ah 2gr,5gr,100gr , waxaanu qof waliba nasiibkiisa ka dhex heli karaa daasadda caanaha Anchor ah ee uu iibsado.  “Waxa farxad noo ah in maanta [shalay] oo Stockgii dahabka la dhex gelay soo galay maanta [shalay] in isla maantana [shalay] in muddo 2 saac gudaheed ah uu qofkii ugu horeeyay ee nasiibkiisu siiyay uu helay Dahabkii ugu horeeya oo ah 2 Gramm ,Marka waxaanu macamiishaydda u sheegayna in haddi alle Idmo Dahab badan oo ilaa 6,000 Dollar qiimihisu gaadhayo laga helo doono caanaha qofkii nasiibkiisu ka siiyo,furasaddu way socotaa ee ha moogan.

 Waa shirkadii u horaysay ee macaamiisheeda ugu soo dhex ridda caanaheeda dahab bakhtiyaa nasiib ah, waxaana caanahan laga heli karaa xafiisyada shirkadu ku leedahay Hargeysa .