Shan Sanno iyo Hawlgalkii Dawladda Siilaanyo: Waxaa qoray: Yuusuf Goodir Maxammed

0
585

Dawladda Siilaanyo waxay baarka ka jartay shan sanno. Side baynu u odorosi karaa guulihii iyo dhaliilihii qarankeena mudadaas? Saddex arimood mid uun baynu raaci karaa:

qofka oo sida ay wax ula muuqdaan tilmaama –rayi

qofka oo sida ay wax ula muuqdaa sababeeya  –qaadaa dhiga

iyo qofka oo baadhis sameeya  –hawl baaxad leh

Mid kasta oo kuwaas ka mid ahi waxay ka duulaysaa aragtida qofka oo jidayn karta waxa ay u aragto wax qabad iyo dhaliilo; ama ilo kale oo loo barkin karo sida qorshii ololaha xisbiga Kulmiye; bar-bar dhiga dawladihii ka horeeyey, amaba qorshaha guud ee qaranka.

Qaabaynta qiimayntaasi waxay martay saddex rako. Wejiga ugu horeeya, waxaynu soo qaadanay sagaal ka mid ah adeegyadda ay bulshadu u baahan tahay in kor loo qaado. Kuwas oo kala ah: Nabadda 169, wax barashadda 258, caafimaadka 367, cadaaladda 436, shaqo abuurista 555, cidhibtirka musuq maasuqa 6-34, dib u dhiska 7103, siyaasadda arimaha debedda 842, iyo war baahinta9-31.

Inkasta oo aanay xulistooda fiirsasho ka maqnayn, waxay ka mid yihiin adeegyadda bulshadu u baahan tahay oo aan intan ku koobnayn, uguna wada mudnayn.

Wejiga labaad mid kasta oo kuwan ka mid ah waxay ka kooban tahay dhawr isir oo laysku biiriyay (composite.) Tilmaan kasta waxaynu u kala dhignay saddex qaybood, in ay hore u jirtay, in dawladani joogtaysay, iyo in ay sii hore marisay. Saddexdaas waxaynu u qoondaynay toban dhibcood, oo u qaybsan 3, 3, iyo 4 dhibcood siday u kala horeeyaan. Labada danbe oo qudha ayaynu xisaabinaynay. Sagaalka hal beeg mid qudha ayaynu u qaadanay in aanu hore u jirin kaas oo ah dib u dhiska. Laba ka mid ahi waa cidhibtirka musuqmaasuqa iyo war baahinta oo u jiray si taban. Tusaale ahaan, dawladihii hore lamay dagaalamin musuq maasuqa, sidoo kale warbaahintu dhibaato wayn ayay ku haysaa bulshadda midina isma bedelin.

Waxaynu eegnay qotonka mudnaanta oo tusaale ahaan, siday u kala horeeyaan ayay u kala mudan yihiin. Tilmaankasta waxaa ku lamaan tiro, ta ugu horaysaa waxay sheegaysaa sida ay ukala mudan yihiin, ta labaadna waxay muujinaysaa wax qabadkii dawladdu ka gaysatay oo ku astaysan 7 dhibcood, ta ugu danbaysaana waxay sii naaxinaysaa mudnaanta, waayo haddii dawladdu si isku mid ah uga hawl gashay tilmaantii ugu mudnayd oo ah nabadda iyo tii ugu hoosaysay -war baahinta tiradani waxay naaxinaysaa (giving more weight) mudnaanta lafteeda.

Waxaa lays waydiin karaa sida tiradaasi ku timi. Todoba qof oo aqoon jaamacadeed leh ayaan hor dhigay taxaha ama qotonka qodobadda kor ku xusan mid kasta oo ka mid ahina siiyey tiro mudnaaneed (prioritizing,) oo ah rogaalka mudnaanta. Dabadeed, waxaynu qaadanay celceliskii oo ay ugu horayso nabaddu, halka ugu hoosaysana war baahintu ku jirto.

Si aynu u helo qiyaas tiro sheegaysa haw galkii dawladda waxaynu isku dhufanay tiradda hawl galka shaqo ee dawladda iyo halka ay kaga jirto mudaanta. Halkaana waxa ka soo baxay in 62% ay dawladdu gudatay baahidii bulshadda.

Sida aynu marar badan maqalo mucaaradka iyo dawladdu waxay isugu jawaabaan haddalo aan gar iyo garawshiiyo midna ku jirin. Sidaas darteed, waxaan ku badhitaarayaa laba tusmo. Mucaaradku waxay u arki karaan in qiimayntu buunbuunisay wax qabadkii dawladda. Wax qabadka dawladdu wuxuu sii ambo qaadayay hawlo ay dawladihii hore bilaabeen. Aynu iswaydiino maxay ku dhaxashay sagaalkan tilmaamood, amaba duruuufaha ku xeeran. Tusaale ahaan, laba mooyaane inta kale waxaynu siinay 3 dhibcood oo ah in dawladdii hore sidii looga baaahna ay  u shaqaysay. Waxaase run ah in aanay midina dharab tirayn, waanad dareemi kartaa in aan hawl liicsanayd si fudud loo soo toosin Karin. Ta labaad dawladani waxay dhaxashay dayn iyo khasnado madhan taasoo u muuqatay in aanay soo doogayn. 

Inta badan waxaa la tilmaamaa in musuqmaasuqu intii hore ka badan yahay, laakiin qiimayntu isku si bay u aragtay. Mid ahaan sida labadaa laysugu dhererinayaa kuma xidhna muuqaalka hantida la lunsaday, laakiin waa boqolkiiba intay noqonayso. Tusaale ahaan, haddii dawladdii hore jaangooyadeedu ahayd $ 60 malyan 2010; tanna uu noqdo $ 250 malyan, 2% musuqmaasuq ahi ta hore waxay siinaysaa $1.2 malyan; ta danbena $5 malyan markaas way isku aadaan.

Ta muhiiimka ahi waxa weeye in ay jiraan tilmaamo aad u mudan oo laga tegay, kuwaasna ay dawladdu ka gaysatay wax qabadkii loo baahnaa amaba aanay waxba ka qaban. Tusaale ahaan, in dawladdu mudnaanta koowaad ka dhigato quudal daruuriga (food), may dhicin laakiin waxay xil wayn iska saartay fidinta biyaha hadday noqoto magaalooyinka iyo miyigaba. Labadaasi way isu go’ayaan hadday isku miisaan noqdaan.

Aynu jaleecno dhinaca dawladda oo qawedi karta qiimaynta. Ugu horayn tilmaan kastaa waxa hoos imanaya ugu yaraan laba qodob. Tusaale ahaan, nabaddu waxay ka kooban tahay ta guud ee ciidanka qaranka, ta ciidanka nabad gelyadda, ta qabaa’ilka, iyo ta cadowga qarsoon. Halkii ay 7-da ka heli lahays 6 dhibcood ayay heshay. Wax barashadii waxay heshay 5 dhibcood, saddex waa joogtayntii, labana hore u marka taas oo ka timi lacagtii laga dhaafay dugsiyadda hoose. Ogow in wasaaradda waxbarashaddu ku guul daraysatay in ay joojiso qishkii imtixaanadda; ogow in guud ahaanba ay dawladdu ku guul daraysatay in ay soo saarto dad shaqadooda ka adag; ogow in dawladdu ku guuldaraysatay hore marinta tacliinta sare iyo xal u helidda muranka jaamacadaha dhexyaal. Taasi wax barashadda waxay siisay 5 dhibcood.

Dawladdu guud ahaanba waxay ku fashilan tay in ay wax ka qabato cadaaladda iyo musuq maasuqa. Siyaasadda arimaha debeddu bilowgiiba xidhiidh wanaagsan ayay ka hor seeday wadamadda Carabta. Shirkii aynu Soomaaliya la galayna bilowgii wuxuu la yimi ismuujin diblomaasiyadeed (diplomatic gesture), waa kulamaddii Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta. Nasiib darose, wadahaladaasi waxay ku dhamaadeen hungo, eedda dawladda Somaliland agtaalaa waa sii wadista. Dhinaca kalena maysii kordhin xurmaddii loo hayay baasaboorka Somaliland.

Tirada ugu saraysa ee wax qabadka dawladdu waxay ahayd dib u dhiska oo aynu ka soo qaadnay dhismayaasha dawladda iyo wadooyinka. 10 dhibcoodba way heshay, laakiin nasiib darro tilmaantaa todobaddii aqoon yahan iyagoon is ogayn waxay siiyeen tirooyinkan 7777788, shani waxay dejiyeen martabadda todobaad, halka labana dhigeen ka sideedaad. Derajadda mudnaanta ay heshay waxay noqotay saddex dhibcood. Su’aasha muhiimka ahi waxa weeye maxaa dawladda waydaariyay tilmaantaas isku sida loo arki karo. Mid ka mid ah waxaa lagu sharxi karaa in mucaaradku ay qori xorad ah dawladda la daba taaganyihiin, iyagoo leh, waxbaba lama qaban, markaa waxay is tustay in ay ku itaasho wax muuqda                   -daarihii dawladda iyo wadooyin.

Inkasta oo mucaaradka dhaliishoodu aanay tognayn hadana dawladdu ku gar helimayso in ay ka baydho baahidii mudnayd. Waxaynu tilmaamaha ku daray war baahinta oo noqotay hoy lagu shaqaysto aqoontuna aanay hagin, laba arimood dawladdu midna may yeelin in lahelo dad u tabo baran war baahinta iyo xilkeeda, haddii kale in warbaahinteedu noqoto mid aan la higsan karin (supersede) oo laga dab qaato.

Faaqidaadu way furan tahay

Waxaa qoray: Yuusuf Goodir Maxammed

Ygoodir2014@hotmail.com