Shan Sannadood Ka Dib: Xamar Wax Yar Baa Is Bedelay

0
761

 

Muqdisho, (Geeska)-Waxa jira sabab Telifishanka caalamiga ee Al jasiira qeybtiisa af Ingisiika ku hadasha ugu doorteen Muqdisho inay ku daraan meelaha ay barnaamijkooda cusub ka soo daayaan. Mushkilada ka taagan Soomaaliya waa tii ugu wakhti dheerayd Afrika, isla markaana aan si balaadhan loo tebin. Shacabka Soomaaliya ayaa muddo 20 sannadood dawlad la’aan ku jiray, halka oo dagaalo iyo abaaro sahaydeen ugu yaraan malaayiin qof.

Sidan waxa lagu bilaabay warbixin telefishanka Al jasiira suxufiyiin ka tirsan ka diyaariyeen xaalada Muqdisho, waxaan lagu bilaabay, “Markii saaxiibkay Maxamed cadow, ka soo waramay wadooyinka Muqdisho November 15, 2006,  Midowgii Maxkamadaha ayaa maamulayey caasimada iyo badi Soomaaliya.
Xilligaa Adow ayaa u soo diray warbixintiisa sidan: “Intaan Maxkamadaha islaamigu gacanta ku qaban maamulka Muqdisho, way adkayd inaad dhex marto. Wadooyinka burbursan waxaa haystay maleeshiyaad halis ah. Maanta magaaladan ka mid ah kuwa ugu khatarsan aduunka waa mid gebi ahaanba gacanta lagu dhigay,”

ka dib markaan la hadlay mulkiilayaasha dukaamada suuqa Bakaaraha, November 15, 2011, way igu waafaqeen.
Haa , Midowgii maxkamaduhu waxa hirgeliyeen shareecada islaamka, oo diidaysay ciyaaraha, telefishanada iyo muusiga. Taasi waxay baqo gelisay dhamaan muslimiinta dhexdhexaadka ahayd, laakiin, Soomaalidu way raacsanaayeen maadama maamulka maxkamaduhu soo afjaray maamulkii qabqablayaashii dagaal ee wax dili jiray, dhici jiray ama kufsan jiray.
Ilaa inta dadku aanay ka baqeyn dil, waxay haysteen fursad ay hawl maalmeedkooda ku raadsan jireen si nabadgelyo ah, inta badana way raaceen inay u hogaansamaan.
Tony Burns, agaasimaha hawlgalada ee SAACID, urur wadanigii ugu horeeyey Soomaaliya, aya ku tilmamay: “Xilligii Midowga Maxkamadihii islaamiga, Muqdisho waxa ka jiray nabadgelyo iyo xasiloon. Markii ugu horeysay qarniyo, Soomaalida dibedaha ku nool dib ayey ugu soo laabteen Muqdisho.”
Dhowr bilood ka dib, Itoobiya oo ay taageerayeen wadamada Reer Galbeedka ayaa soo weeraray. Waxa jiray werwer in Soomaaliya u noqon doonto gabood islaamiyiinta mayalka adage e aduunka.

Waxay noqotay saadaal rumowday. Midowgii Maxkamadaha waxa bedelay Al Shabaab, oo ka sii halis badnaatay. Dagaalyahanadoodu waxay daacad u noqdeen Al QaacidaI, iyagoo dagaalkooda gacan-ku-dhigista Muqdisho ka holcayey shantii sannadood ee u danbeeyey, kuna dhinteen tobanaan kun oo qof.
Al-Shabab, oo xilli loo arkayey kuwo ka difaacaya Itoobiyaanka Soomaaliya, waxay gebi ahaanba lumiyeen kalsoonidii, markii ay ka hor istaageen hay’adihii gargaarka inay gaadhaan dadkii abaarahu saameeyeen. Bishii August, waxay go’aansadeen inay ka baxaan Muqdisho, taasoo keentay inay lumiyaa ilahii dhaqaale iyo fadhiisimadoodii siyaasadeed, sida suuqa bakaaraha, iyo istaadyamka Muqdisho. Al-Shabab si weyn ayey u daciifeen xilligan, balse weli jawiga wadooyinka Muqdisho waa mid cabsi leh.
Suuqa Bakaaraha, qofna ma awoodo inuu kamarada horteeda nala hadlo. Nin kabo iibinayey ayaa ii sheegay, hadii lagu arko isagoo suxufi ajaanib ah la hadlaya aroortii, in gelinka danbe Al Shabaab u soo dirayso dad soo qabta, ka dibna la dilayo.
Ka suxufi ajaanib ahaan wadooyinka Muqdisho, waa inaad ku martaa ilaalinta gawaadhida gaashaaman ee ciidamada AMISOM ama ilaalo gaar ah, taasoo ka dhigan ugu yaraan 10 ama 15 ciidamo hubaysan.
Shacabka Soomaaliyeed ma haystaan noloshaa raaxada ah. Maalin walba waxay la kulmaan halista isqarxiyeyaasha, bamboo gacmeedka ama toogasho.

Qof kastoo aad la hadasho Muqdisho waxuu ku sheegayaa in nabadgelyo iyo xasilooni yihiin waxay doonayaan. Markaa ka dib keliya ay awoodi karaan dib u dhiska, magaalo xilli ahaan jirtay kuwa ugu qurux badan aduunka.