Ciidamo Iyo Tikniko La Safnaa Maamulka Puntland Oo Shalay Ku Soo Biiray Ciidamada Qaranka Somaliland

1
605

 

Ceerigaabo(Geeska)-Laba baabuur iyo labaatan nin oo la socday ayaa shalay soo gaadhay gobalka Sanaag, ka dib markii ay ka soo goosteen siyaasi reer Lascanod ah oo taageersan maamulka Puntland.

Siyaasigaas oo lagu magacaabo Axmed Karaash, ayaa wuxuu ciidamadan ku hayay jiidda bari ee gobalka Sool, waxaanu ugu tallo galay inay ka garab dagaalamaan maleeshiyaadka Puntland ee inta badan weerarada daandaansiga ah ku soo qaada ciidamada qaranka Somaliland, laakiin ciidankan iyo labadan baabuur ayaa shalay si rasmi ah ugu soo biiray ciidamada qaranka, waxaana la filayaa inay ku biiri doonaan ciidamada qaranka ee gobalka Sanaag. Baabuurtan iyo ciidamadan ayaa dhabarka ka jebinaya maamul goboleedka Puntland oo hore loogu eedeeyay inuu dabada ka riixayo colaada Ceerigaabo ku dhex martay labada beelood.

Dhinaca kale weftigii xukuumadda ee magaalada Ceerigaabo u joogay nabadaynta beelaha walaalaha ah ee dhawaan ku diriray magaaladaas, ayaa u muuqda inay guulo hor dhac ah ka gaadheen xasilinta colaadaas. Weftiga ayaa isu diyaarinaya dhaarinta odayaal ka kala socda labada beelood, waxaana la filayaa inay soo afjaranto maalmaha soo socda.

Comments are closed.