Hargeysa (Geeska)- Xilliga jiilaalka ee aynu galnay oo sida caadiga ah qabowgiisu badan yahay, inta badan waxaa jidhka ku yaraata in uu jidhkiisu fallaadhaha qorraxda ka helo in ku filan, taas oo macnaheedu yahay in ay ku yaraanayaan fursadaha uu ku heli karo Faytamiin D. In kasta oo cunista kalluunka gaar ahaan noociisa Solomon ka loo yaqaanno, beedka iyo caanaha ama cuntooyinka caanaha laga dheegto oo dhammaantood ah il laga helo faytamiin D, haddana waxa ay khubarada caafimaadku caddeeyeen in aanay intaasi ku filnayn qofka, waayo fallaadhaha qorraxda ayaa ah isha ugu muhiimsan ee laga helo faytamiinkan lagama maarmaanka u ah maqaarka iyo lafaha. Faytamiinkan oo jidhka ku yaraadaana waxa uu dadka waaweyn ku keenaa cudurro ay ka mid yihiin cudurka afka qalaad lagu yidhaahdo Osteoporosis oo lafaha burburiya, dhiig karka iyo macaanka.
Haddaba qormadan waxa uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa calaamado uu qofku ku aqoonsan karo in faytamiin D ga jidhkiisu hoos u dhacsay, waxa aanay kala yihiin:
1- Qofka oo ay xanuunaan lafaha iyo waaxyaha jidhku: Sida ay caddeeyeen khubarada caafimaadku, qofka oo marka uu toosa isku arka in dhaq-dhaqaaqu ku adag yahay, gaar ahaan xilliga jilaalku, waxa ay noqon kartaa calaamad muujinaya in Faytamiin D uu jidhka qofkaas ku yar yahay.
2- Miisaanka qofka oo aad u kordha: In faytamiin D uu jidhka ku yaraadaa waxa ay keentaa in dufan badani uu jidhka ku kaydsamo, waayo faytamiinkani waxa uu si weyn u fududeeyaa in dufanka jidhka gala uu milmo (Dhalaalo). Dhinaca kalana dufanka oo jidhka ku bataa waxa uu yareeyaa ama lumiyaa Faytamiin D-ga jidhka ku jira.
3- Maqaarka dadka midabkoodu madowga yahay: Cilmi-baadhiso caafimaad oo hore loo sameeyey ayaa caddeeyey in kala duwanaanshiyaha bulsho iyo deegaan ay saamayn ku leeyihiin hoos u dhaca faytamiin D, tusaale ahaan midabbada maqaarka qofku yeelanayaa waxa ay u taagan yihiin in ay difaac dabiic ah jidhka uga noqdaan fallaadhaha qorraxda, oo dabcan dhib ku keeni kara, sidaa awgeed hormoonnada iyo wax yaabaha kala duwan ee uu jidhku u soo saaro in uu iskaga difaaco fallaadhaha qorraxdu haddii ay aad u bataan waxa ay xaddi boqolkiiba 97 ah hoos u dhigaan awooddii uu jidhku u lahaa in uu soo saaro Faytamiin D.
Taas oo macnaheedu yahay in dadka midabkoodu madowga yahay ay u baahan yihiin ilayska qorraxda in ka badan kuwa jidhkoodu midabbada kale yahay, waayo dadka madow maqaarkoodu ma samayn karo xaddiga faytamiin D ee ku haboon jidhkooda.
4- Madaxa oo xoog u dhidida: Calaamadaha caanka ah ee lagu garto in Faytamiin D, jidhka ku yar yahay waxaa ka mid ah in qofku uu madaxa ka dhidido.
5- Mushkilado dhinaca caloosha ah: Dadka leh caabuq midhicirada ah, waxa ay u badan yihiin in uu jidhkooda ku yar yahay Faytamiin D. waayo caabuqa midhicirada iyo cudurrada kale ee la mid ah eek u dhaca hab-dhiska dheefshiidku waxa ay keenaan in uu yaraado awoodda uu jidhku ku nuugo dufanka, taasina waxa ay keentaa in Faytamiin D-ga jidhka ku jiraa uu si xoog badan u milmo.
Ugu dambaynti iwaxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in qofku uu ku dadaalo in jidhkiisu uu helo xaddi ku filan oo ilayska qorraxda ah, waqtiyada ugu fiican ee uu qofku qorraxda ka heli karo faytamiinkan muhiimka ahna waxa ay ku tilmaameen inta u dhaxaysa 10 subaxnimo illaa 3 casarkii.