Hargaysa( Geeska )-Dallada SONYO ayaa dhagax dhigtay dhismaha dhul ay rabto inay xarun u noqoto dallada iyo goob ay dhalinyardu isku timaado. Dhulkan ay dalladu dhagax dhigtay ayaa ku yaala xaafada Jig-jiga yar oo 300 talaabo dhanka waqooyi ka xigta Hotel Summer Time.
Xaflada dhagax dhiga waxa ka soo qayb gashay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudne, Cali Siciid Raygal, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Xildhibaan Nac Nac, oo ah xildhibaan ka tirsan Golah Wakiilada JSL, Xildhibaan Indho Indho oo ka tirsan Golaha Guurtida, aqoon yahano, iyo xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka ah, masuuliyiin ka tirsan golaha sare ee SONYO ee hadda xilka haya, masuuliyiin ka tirsan golayaashii sare ee hore, agaasimayaashii hore ee dallada iyo dhalinyar tiro badan oo ka tirsan ururada SONYO, kooxaha ciyaaraha iyo dhallinyaradda jaamacadaha wax ka barata.
Ka hor dhagax dhiga ayaa waxaa xaflad ka hadlay masuuliyiin tiro badan oo SONYO iyo marti sharafta kaleba leh. Ugu horayna waxa bilaabay Gudoomiyaha Dallada SONYO, Md. Axmad Cabdi Wacays oo sharaxaad ka bixiyay ujeedada dhismaha iyo marxaladii u soo maray helitaanka dhulka ay rabto inay dalladu dhismo ka dhigatay. Waxaanu mahadnaq u jeediyay Madaxwaynihii hore ee Dahir Rayaale oo dhulka siiyay, madaxwayne Siilaanyo oo taageeray, golayaashi SONYO ee ka hawl galay.
Waxa isna ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadashay goobta, Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Mudane Saciid Raygal kaaso ku tilmaamay dhismaha in loogu talo galay mid danta dhalinyarada loogu adeegi doono isla markaana xusay muhiimada goob dhallinyarddu isugu timaadaa u leedahay kobcinta garaadka dhallinyaradda iyo isdhexgalka da’yarta kala gadisan ee ku nool guud ahaan dalka iyo gaar ahaan caasimada Hargeysa.
Waxaa kelmado iyaguna halkaas ka yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta , agaasimeyaasha fulinta ee hay’adaha SORADI, SONSAF, guddoomiyaha hay’ada maxaliga ah ee Candlelight iyo mas’uuliyiintii hore ee dallada SONYO ee soo marey.
Waxaa ugu dambeyntii ay dhammaan kasoo qaybgalayaashii isugu yimaadeen kulan bogaadin iyo farxad, Kulankaas waxaa loogu mahadceliyey cid kasta oo kasoo qaybqaadatey hirgalinta himiladii ahayd in la helo goob kulmisa dhallinyaradda Somaliland isla markaana ku qalabeysan agab casri ah oo suurtogalin kara in dhallinyaraddu ay fuliso isu-imaatino, dood-aqooneedyo, ciyaaro fudud iyo cilmi-baadhisyo. Masuuliyiinta SONYO ayaa sheegey in si deg-deg ah loo bilaabi doono loona dhammeystiri doono xaruntan oo nooceeda aan wali dalka laga dhisin taasoo ay soo bandhigeen nashqada dhismaha. Waxaa goobtii si gaar ah loogu mahadceliyey madaxweynaha JSL iyo xukuumadiisa oo la sheegey inay hore u balanqaadeen ka qaybqaadasha hirgalinta dhismahan.