Dawladda Maraykanka Oo Si Taxadar Leh Uga Hadashay Wada Hadalka Somaliland & Somaliya Iyo Hadalkii Madaxweynaha Cusub Ee Qorshahan Khuseeya

0
569

 

 

AmircanNayrobi(Geeska)-Dawladda Maraykanka ayaa si uu taxadar ka muuqdo uga hadashay wada hadalka u bilaabmay dawladaha Somaliland iyo Somaliya iyo weliba dhawaqa madaxweynaha cusub ee Somaliya uu ku sheegay inuu wada hadalka la sii wadayo Somaliland.

 

Danjire James Swan, oo ah safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya balse uu xafiiskiisu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa shirjaraa’id oo uu dhawaan ku qabtay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, wuxuu ku sheegay in wejigii hore ee wada hadalka labada dal lagu qorsheeyay sidii uu wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa mustaqbalka, waxaanu tilmaamay in wejiga labaad ee wada hadalka labada dal lagu qeexi doono shuruudaha wada xaajoodka Somaliland iyo Somaliya.

Mid ka mid ah saxafiyiintii shirka jaraa’id ka qayb gashay ayaa safiirka weydiiyay maadaama Madaxweynaha cusub ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud balan qaaday inuu sii wadi doono wada xaajoodkii Somaliland iyo Somaliya, waxyaabaha uu danjire ahaan ka filan karo wada hadalkaas, wuxuu safiirka oo u muuqday inuu taxadar badan muujinayaa su’aashaas kaga jawaabay, “Wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo xukuumada Muqdisho ee Ingiriiska iyo Norway fududeeyeen, ayaa muhiimadii ugu horeysay ee wada hadaladaasi noqdeen kuwo lagu qorsheeyo sida mustaqbalka wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa. Sidoo kale, waxaan filaynaa in qorshahaasi sii socon doono, iyagoo ku dhisan sidii bilowgii ay ku heshiiyeen, kuna bilaabi doonaan inay qorshe dhigtaan, oo bilowga la cadeyn doono qodobada wada xaajoodka mustaqbalka lagu soo qaadan doono. Laakiin, taasi waxay u muuqataa mid ku soo kordhaysa hawlahii labada dhinac oo xilligan bilaabaya inay qeexaan shuruudaha wada xaajoodkaa.”

Dawladda Somaliland ayaa soo dhawaysay hadal uu Madaxweynaha cusub ee Somaliya ku sheegay inuu sii wadayo wada hadalkii ay dawladii ka horaysay la bilowday Jamhuuriyadda Somaliland.