Shalay Iyo Is Xog-waraysigii Cabdiraxmaan-Cirro Iyo Bulshada Reer Axmed-dhagax

0
623

Hargeysa(Geeska)-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay galab la soo shaaheeyey sida oo kale na soo booqday goobo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay iskugu yimaadaan dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

1

Guddoomiye Cirro, ayaa ugu horeyn waxa uu soo booqday guriga ay ku kulmaan beelaha Haashim, waxaana uu halkaas kulan kula qaatay guddidaasi isaga oo kala sheekeystay xaaladda abaareed ee deegaanada iyo weli ba sida oo kale doorka muhiimka ee loogga qeyb-qaadan karo gurmadka abaaraha, waxaana ay guddidaasi guddoomiye Cirro uga mahad-celisay booqashada uu ugu tagay isla mar ahaantaana uu kala sheekeystay xaalka deegaanaddooda iyo weli ba sida oo kale mustaqbalkooda siyaasaddeed.

Cabdiraxmaan Cirro oo ay ku soo biireen markii dambe xubno ka mid ah xisbiga oo ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax, ayaa sida oo kale gaadhay goobaha ay kulmaan dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee Beel-weynta Arab, waxa uu sida oo kale uu la fadhiistay isla mar ahaantaana uu la shaaheeyey dhallinyarta, odeyaasha iyo wax-garadka ka soo jeeda xaafaddaasi oo uu kula shaaheeyey maqaaxida caanka ah ee Ubaxle, waxaana ay ugu horeyn si kal iyo laaba u soo dhaweeyeen booqashada uu ugu yimi guddoomiye Cirro iyaga oo bariido iyo salaan qaadid ba isu daba maray isla mar ahaantaana ku dhawaaqayey erayo soo dhaweyneed oo ay ku muujinaayeen taageerada ay u hayaan Xisbiga WADDANI, waxaana ka mid ahaa erayadoodii.

Dhallinyaradii iyo odayaashii makhaayadaas ku sugnaa ayaa Cabdiraxmaan-cirro ku soo dhaweeyay ereyo iyo weedho soo dhawayn ah, iyagoo ku soo xoomay goobtii uu fadhiistay.

Ugu dambeyntiina, guddoomiye Cirro iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiintii la socday ba, waxa ay lug ku sii mareen Xaruntii dhaxe ee uu ahaan jiray urur siyaasaddeedkii Xaqsoor, iyaga oo halkaas kula kulmay qaar ka mid ahaa taageerayaashii ee ururkaasi oo imika ka tirsan Xisbiga WADDANI.