Shakhsiyadda Gabadha Iyo Dabeecadaheeda Daahsoon Ee Ragga Badankoodu Aanay Aqoonin (Q:1)

0
748

Hargeysa (Geeska)- Ninku marka uu doonayo in uu qalbiga gabadha ku dhowaado si uu u hanto waxa uu inta badan ku daalaa raadinta sirta iyo hal-xidhaalaha ku duugan shakhsiyadda gabadhan, waxa aanu in badan waqti ku lumiyaa in uu ogaado waxyaabo gaar ah oo nolosheeda ku saabsan, taariikhdeeda iyo nolosheeda hadda, marar badanna ma helo waxa uu raadinayo, haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay majaladda Sayidati oo ka falloota arrimaha iyo haweenka iyo guud ahaan qoyska waxa aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah dabeecadaha u gaarka ah shakhsiyadda haweenka laakiin ragga badankoodu aanay fahmin:

1. Gabadhu waxa ay u baahan tahay jacayl:

Si kasta oo ay gabadhu u tahay gabadh awood badan, bulshada saamayn ku dhex leh, mansab iyo mala haysata, haddana weli waxa ay u baahan tahay jacayl iyo in uu hareer taagnaado ruux dareensiiya xasilooni iyo ammaan, sidaa awgeed ninka fahamka fiicani waa kan ogaada in si kasta oo ay xaaskiisu u tahay shakhsiyad awood badan aan hareerteeda ka fogaan, ee og in ay si dhab ah ugu baahan tahay.

2. Gabadhu waxa ay jeceshay in taariikhdeeda hore aanay ka warramin:

Wax badan baa ka jira hal-ku-dhegga Soomaalida ee yidhaahda, “Rag waa ba’ood, dumarna waa badhaadhahood” waxaa cilmi ahaan loo ogaaday in dumarku aanay jeclayn in ay ka warramaan taariikhaha madow ee ay soo mareen, cid kasta oo xusuustooda ku soo celisana ay u qalbigoodu ka sii jeedsado. Xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu waxa ay ragga kula taliyaan in aanay isku mashquulin in ay gabadhu uga warranto wax taariikhdeeda ka mid ah.

Haddii uu rabo in qalbigeeda uu dego oo aanay mushkiladi dhex marin waa in uu ka fogaado su’aal kasta oo taariikhdeeda hore la xidhiidha, xitaa marka ay isku cusub yihiin ee uu doonayo in uu barto waa in uu su’aalahaas iska dhowraa. Keliya gabadha ka warayso badhaadhaheeda iyo waxa hadda taagan iyo xitaa waxa ay mustaqbalka raadinayso ama qorshaynayso in ay noqoto. La soco…