Shahaadada Doctorate Ka Ah Ee Ay Sidato Marwadii Koowaad Ee Hore Ee Dalka Zimbabwe Oo La Hubinayo

50
4224

Harare (Geeska)- Guddida la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Zimbabwe ayaa ku dhawaaqay in baadhitaan rasmi ah ku samaynayaan madowga ku xeeran shahaadada ‘Doctorate’ ka ah ee ay haysato marwadii koowaad ee hore ee dalka Zimbabwe Greece Mugabe.

Greece oo ahayd shakhsiga ugu awoodda badan dalka Zimbabwe ka hor intii aanu xilka iska casilin odaygeedii madaxweynaha ahaa ee Robert Mugabe bishii kow iyo tobnaan ee 2016 ka, ayaa shahaadadan ka qaadatay jaamacadda Zimbabwe sannadkii 2014 ka. Laakiin waxaa markiiba soo baxay warar sheegaya in Marwo Greece aanay si rasmi ah u dhigan jaamacadda, isla markaana cilmibaadhistii shahaadadan samayn. Xilligaas ay Marwadu qaadatay shahaadadan ayaa la sheegay in madaxweynaha dalka oo ahaa Robert Mugabe uu sida oo kalana ahaa guddoomiyaha sare ee jaamacadda oo ahayd ta qarana.

Guddoomiyaha guddida la dagaalanka musuqmaasuqa mudane Godson Nogney oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in bareyaashii jaamacadda ee qaybta cilmiga bulshadu ay soo codsadeen in baadhis buuxda lagu sameeyo shahaadadan, kadib markii baadhis ay ku sameeyeen diiwaannada kaydka jaamacadda ay ka waayeen wax diwaan iyo dhukumantiyo ah oo muujinaya in Greece Mugabe ay jaamacaddan ardayad ka noqotay.

Greece Mugabe ayaa xiddigeeda siyaasaddu si aad ah u soo muuqday sannadihii u dambeeyey ee dalka Zimbabwe ka hor intii aan odaygeeda lagu qasbin in xilka uu ka dego. Waxaa la arkay Greece oo xisbiga iyo dawladdaba awood weyn ku dhex leh, isla markaana u muuqata in ay isu diyaarinayso in ay xukunka uga dambayso odaygeeda 93 jirka ahaa. laakiin arrintaas waxaa si weyn u diidanaa xisbiga, siyaasiyiintii ay isku jaalka ahaayeen Mugabe iyo guud ahaan dadka reer Zimbabwe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here