Shacabka Somaliland Oo Didmo Iyo Dood Ku Qaabilay Qodobka 9aad Ee Heshiiska Somaliland Iyo Somaliya Ay Kala Saxeexdeen

0
659

Picture10Hargeysa(Geeska)-Shacabka Somaliland ayaa dareen diidmo ah ku qaabilay qodobka 9aad ee heshiiska ay Turkiga ku kala saxeexdeen Somaliland iyo Somaliya, kaas oo ku saabsan xasuuqii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre u gaysatay shacabka reer Somaliland.

Qodobkaas ayaa wuxuu nuxur ahaan dhigayaa “Waxaanu wadaagaynaa cadaawadda uu nidaamkii keli taliska milatarigu u gaystay Soomalida,  gaar ahaana dadka ku dhaqan Somaliland.”

Laba dhinac ayaa uu qodobkani ka  yahay mid aan u cutanmin shacabka Somaliland; Waa marka koowaad’e waxa meesha laga saaray xasuuqii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre u gaysatay shacabka Somaliland, kaas oo qaar ka mid ah raggii xasuuqaa hoggaaminayey lagu hor geeeyey maxkamado, sida Maxamed Cali Samatar oo maxkamad ku taalla dalka Maraykanku xukun ku ridday, isla markaana ay maxkamadda sare ee Maraykanku diiday rafcaan uu ka qaatay xukunkaas. Sida qodobkan ka muuqata ergada Soomaaliya uga qayb gelaysay shirka wada hadallada ayaa ku guulaysatay inay ergadii dhinca Somaliland ay ka saxeexaan qodobkan falalkii xasuuqa ahaa ee dhacay ku tilmaamaya cadaawad ama falal axmaqnimo ah.

Marka labaadna, wuxuu qodobkani sheegayaa in taliskaas Maxamed Siyaad Barre uu dhibaatada u wada gaystay dadka Soomaaliyeed oo dhan, taas oo hoos u dhigaysa macnaha xataa falalka cadaawadda ah ee isla qodobkan ku xusan, maadaama oo la baahiyey dembiga dhacay, lagana dhigay arrin Soomaali oo dhami wadagaysay. Haddii aynu si kooban u dhigno, su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay, Ma jirtaa magaalo keliya oo Soomaaliya ka tirsanayd oo loo duqeeyay sidii loo duqeeyey magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, sida Hargeysa iyo Burco.? Ma jirtaa magaalo Soomaaliya ka mid ah oo ay duqeeyeen diyaaradihii fadhiyay madaarkeeda.? Ama magaalo labaatanka sano ee ka dambeeyey dhicistii Siyaad Barre weli si joogto ah looga soo qufo xabaalo-wadareedyo ay ka buuxaan qolfoofka dad xadhko isugu xidhan yihiin?!! Jawaabta oo koobani, “Waa MAYA, ma jiraan?!!”Marka ay sidaas tahay, miyaanay caddayn  in gumaadka dowladdii Siyaad Barre ka geysatay Somaliland ay ka macno iyo qiimo duwan yihiin dhacdooyinka sida teel-teelka ah uga dhacay Soomaaliya inteeda kale. Si kale haddii loo dhigo xasuuqii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre u gaysatay shacabka Somaliland wuxuu ahaa mid isir sifayn ah.

Waxaa iyaduna jirta dood xooggan oo sheegaysa in ereyga cadaawad “Atrocity” uu nusqaan iyo hoos u dhac ku keeni karo heerkii sharci ee uu taagnaa macnaha ereyga Xasuuq, “Genocide” taasina ay halis gelin karto dacwadaha meelo kala duwan oo dunida ah laga wado ama lagu qorshe jiro in lagu soo oogo hadhaagaa taliskii xasuuqa Somaliland geystay.

Sidaas daraadeed waxa ay dad badani qabaan in madaxda Somaliland lagu khiyaameeyay laba nooc oo kala ah erey bixinta iyo dhinaca sharciga, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu weftiga dawladda Somaliya uu ka mid ahaa xildhibaan sharciyaqaan ah, halka aanu dhinaca Somaliland wehelinin qof shuruucda bartay. Taasina waa dersi u baahan in lagu xisaabtamo kulamda kale, waxaa iyaduna muhiim ah inta aan la gaadhin kulanka dambe ee wada hadallada Soomaaliya in ergada Somaliland sida ay ahayd ee saxda ah arrintan ugu soo bandhigto cidda ay khusayso iyo sharciyaqaannada dalka si haddii wax qaldani jiraan looga tashado sidii loo sixi lahaa.