Shacabka Somaliland Iyo Beesha Caalamka Oo U Dheg Taagaya Go’aanka Madaxweyne Biixi Oo la Sugayo 10 January

0
760

 

Hargeysa(Geeska)-Shacabka Somaliland iyo dalalka taageera Somaliland ayaa si weyn ugu dheg taagaya go’aanka uu Madaxweyne Biixi soo saari doono 10 January oo ay laba maalmood inaga xigaan.

Madaxweyne Biixi ayaa la sugayaa inuu 10 January si rasmi ah u hirgeliyo go’aankii guddigii dhexdhexaadinta ee ahaa in la kala diro guddiga doorashada ee wakhtigan iyo in dib loo soo magacaabo guddigii hore ee doorashooyinka.

Madaxweyne Biixi ayaa ka dib laba kulan oo uu la yeeshay labada guddoomiye mucaarad ee UCID iyo Waddani, wuxuu codsaday in la siiyo ilaa 10 January si uu u qaado wixii caqabado ah ee hortaagan in la fuliyo go’aankii guddiga dhexdhexaadinta, waxaanu Madaxweynuhu maalmahan u dambeeyay wada tashi iyo kulamo la lahaa hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mid ah wasiiradiisa ugu dhow dhow.

Labada guddoomiye mucaarad Faysal iyo Cirro oo dalka dibadiisa ku maqan ayaa la filayaa inay iyaguna toddobaadkan dalka ku soo laabtaan, iyagoo dhawraya go’aanka Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaate, rayul caamka Somaliland iyo dalalka deeqaha Somaliland bixiya ee dhawaan socdaalka ku yimid magaalada Hargeysa, balse aan natiijo wanaagsan kala noqon kulankii ay Madaxweynaha la yeesheen ayaa isha ku haya go’aanka Madaxweyne Biixi ee 10 January.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here