“ Muuse ha ogaado hadii cid hadal lagu xidhaayo xabsigaba kamuu baxeen.”

0
721

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaacil Jide ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Somaliland, waxa uu guddoomiyahu madaxweyn Biixi ku dhaliilay in uu dad u xidhaayo inay hadleen isaga oo leh taariikh dheer oo dhaliilo uu u jeediyay hogaamiyayaashii Somaliland ee hore.

Waxa uu ka sheekeeyay in odayaasha beesha Garxajis wakhtigii doorashada lagu dhawaaqay ay ka abhiyeen dagaal inay sababaan, waxa sida oo kale uu ugu baaqay hogaanka xisbiga Waddani in laga rabo inuu baryo tago si uu codadka dadka u helo, waxaanu araman kaga hadlay kulan uu la yeeshay taageerayaasha xisbiga Waddani ee dalka Ingiriiska.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jide waxa uu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay “ Xisbigu ha ogaado xaafadii loogu dhibka badnaa maalintii natiijada lagu dhawaaqay inay xaafada Daami ahayd  odayashoodu carruurtii waa ay qaxiyeen oo Boorama  ayay geeyeen oo waa lagu soo duulay waa la xidhxidhay oo waa la laayay is aanay dhalinyaradu dhiig u galin ayaa intay kaxeeyeen ay Boorama geeyeen, xisbigu ha u ogaado reer dhibkaasi ku dhacay waa kii  koowaad.”

Waxa uu talooyin u soo jeediyay hoggaanka xisbiga Waddani“ In saddexda Habrood aan ka gudubno, qoladan Waddani  waxaan u sheegayaa in Habraha lala kala dhaqaaqay,  Muuse yaynaan ehel u samayn oo aynaan reero u didin, Muuse taladii waa uu soo ururiyay isagaana isku koobay reer uu maanta matalaa oo uu inaga xigaa ma jiro, qolada qurbahoow bahalkan baas ee aad gashaan reerahaas afkiina ka dhawra, Muuse maanta beelo u jira oo meel u yaalaa ma jiraan, waa sida loo shaqaysto, waar baryada barta ninka madaxweyne doonayaa waa nin qarafaysanaaya, qarafaysiga yaynaan ka xishoon, geel qaadkii laga soo dego oo huunada hala barto.”

Waxa uu Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde dhaliilo u soo jeediyay madaxweyne Biixi“ Dawladii Cabdiraxmaan Tuur rag Muuse ku xidhan waa sheeko dhacday intay calankii la soo degeen waa calankeenii hore ee la badalay ayay dariiqa ku gubeen, cid ka dabatagtay  oo tidhi yaa soo diray may jirin lagama baqayn  laakiin danta Somaliland ayaa loo arkaayay wakhtigaas  in aan cidna la dabagalin cidna la soo xidhin, maantana waxaan maraynaa hebelbaa hadal yidhi ee hala xidho, Muuse ha ogaado haddii cid hadal lagu xidhaayo xabsigaba kamuu baxeen, isagana lagama baqayn reerkiisana lagama baqayn ee waxay ahayduun waar curdin ayaan nahaye yaan la murmin, waa ayaan daro inuu isagii maanta hadal cid ku xidho taariikhdaada uun dib u raac waxii aad odhan jirtay iyo waxa aad dadka ku xidhayso, xadhiguna wax ma taro, waxaanu leenahay xadhigaas Ramaax la xidhay waa xadhig dulmi ah nin oday ah oo golaha wakiilada guddoomiyahooda ah ayaad wax ka sheegtay waa uu dacweeyey  dacwadii buu ka noqday in dibada loo soo daayo ayay ahayd,hadii cid kale dacwad u haysato laga daba tago laakiin ii hay ayay ahayd , taasna waxaanu u aragnaa dulmi iyo danbi in xoriyadiisa loo soo celiyo ayaan ku dhawaaqaynaa.”

Waxa uu hogaanka xukuumada ku tilmaamay mid aan go’aanada la wada gaadho wax ixtiraam ah u hayan“ Waxa laga yaabaa in aad mararka qaarkood tidhaahdaan tanaasul ayaad samayseen, tanaasulkaas markuu ninkii isa soo taago talo ayaad soo jeedinaysaa oo cidna ku qasbi kari maysid waxaana lagaa rabaa dood wanaagsan oo qurux badan oo shacabka gasha taas waan kaga guulaysanay, laakiin cid aan diyaar u ahayn inay wax badasho ayaa halkaas fadhida, wax heshiis ah oo la galay oo hadii aan cadaadis lagu saarin dibad iyo gudaba ay u jixin jixayaan ma jirto, taas odayaashana ceeb ka carar ayuu u qaatay umalayn maayo inay marnaba u daadegtay niyadiisa  sidaas yeel inuu yeeli doonana alle ayaa og bisha tobankeedana waan arki doonaa.”

Ugu danbayntii waxa uu ka sheekeeyay sida gudida beesha Garxajis ay uga codsadeen in ay ka dheeraadaan inay dalka dagaal galiyaan“ Markhaati alle waxaan ka ahay  anaga oo aan filayn waxa noo yeedhay gudidii Garxajis ila shan lix ayaanu ahayn Garxajisna nin ayaa nagaga jiray oo waa Cabdiraxmaan Cirro Waa aniga,ninkii xoghayaha guud ahaan jiray, Maxamed Biixi Yoonis,Xirsi waa ay na abhiyeen oo waxay yidhaahdeen hadaanu Garxajis nahay dagaal diyaar uma nihin ee waxaanu idinka magan galaynaa nimankiinaasi  in aydaan dagaal na galin, Caarana maanta waa ka yidhi qabiilkaygii waakuwii dagaalkii iga diiday maanta may diidin ee hore ayay u diideen laakiin dadka qaar ayaa lagu khuukhiyaa Khaakhbaa soo socota, nimanku Khaakh maaha ee waa kuwaas yidhi dagaal hana galinina,anigaa yaa ka markhaati ah wax dagaal ah iyo wax duulimaad ahi midna ma jiro, cid dagaal u socotaana ma jirto ee nala xisaabtana ayaa la leeyahay, waar beelaha yaan laysku xoqin, reer Waddanina waxaan leeyahay Muuse tol aanu lahayn yaynaan u samayn inagu, taageero aanu lahayn yaynaan siin Ismaaciil Yare ayaa dad u xiga oo halkay kalataagan yihiin waad ogtihiin, odayaashii reerkiisa u waaweynaa nin ayaanu diyaarada ku kulanay isagay reer isugu xigaan gooni ayuu iila  baxay,  waar sow ninkaas ma tihid, haa, waar inaadeerow ninka utag oo la tali waxa la yidhi isku caruur ayaad ahaydeene anaga na maqli waaye, halkaas ayay marayaan markaas reeraha afka ka dhawra.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here