Shacabka Hargeysa Oo Si Weyn Uga Qayb Galay Aaska Taliyihii Aaga Bari

0
668

 

Hargeysa(Geeska)-Shacabka reer Hargeysa ayaa si weyn uga qayb galay aaska Marxuum Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade), oo ahaa taliyihii aagga bari ee ciidamada qaranka Somaliland oo subaxnimadii hore ee shalay Hargeysa ku geeriyooday.

Marxuum Dhancade, oo ka mid ahaa saraakiisha faro ku tiriska ah ee u dhalatay Somaliland ee darajada sare ka gaadhay ciidamadii Somaliya, ayaa waxa aaskiisa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana kala qayb galay taliyayayaasha kala duwan ee ciidamada dalka iyo madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo aan aaska ka qayb gelin ayaa shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid marxuumkaas magaca ku lahaa bulshada dhexdeeda, waxaanu Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Alle haw naxariiste Marxuum Dhancade, waxa uu kaalin weyn ka soo qaatay aasaaskii dhismaha ciidamada qaranka Somaliland iyo weliba tababarkooda, waxaana lagu xasuustaa sida uu mar walba heeganka ugu ahaa difaaca qaranimada Somaliland.

Alle haw naxariiste Marxuumka, ayaa si weyn waxa u tabi doona ciidamada qaranka oo uu ka sokow taliye ahaan u ahaa saaxiib iyo macalin. Alle haw naxariisto Taliyihii Ciidanka Qaranka ee Aaga Bari Gaas Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade).