Booliiska Netherland Oo Xidhay Dilaaliin Qaad

0
663

 

Aalsmeer (Geeska/NED)-Booliiska dalka Netherland ayaa xabsiga u taxaabay shan nin oo lagu qabtay iyagoo sita qaad xadigiisu gaadhayo 600 kilo, sida saraakiisha booliisku cadeeyeen.

Ciidanka ilaalada ubaxa ayaa digniin u diray booliiska, ka dib markii ay ka shakiyeen ragaa oo dabeecad shaki leh u dhiganayey gaadhi bas ay wateen goob gawaadhida la dhigto ee Legmeerdijk, halkaa oo booliisku ka heleen 110 kartoon oo qaad ku jiro.

Qaad suuqa ka jooga qiimo gaadhaya 45,000 euros iyo saddex gaadhi ayaa lagu qabtay. Laga soo bilaabo bishii january, qaadka ayaa dalkaa looga aqoonsaday sharci daro.

Ragan la xidhay oo da’doodu u dhexeysay 20 ila a45, ayaa u dhashay dalka  Belgium, Amsterdam.