Sh. Sayid Qudub Suudh Iyo Tay Ayuu Xidhan Jiray, Gadhkana Wuu Xiiri Jiray Waxaana Aan Rajaynayaa Inuu Wali Ilaahay Iyo Shahiid Ahaa Sheekh Maxamed X. Maxamuud Xirsi

0
1461

Umad marka uu jab ku yimaad waxa ku bata is dhaleecaynta marka guuli timaadana waa lagu murmaa guusha. Sheekh wayn oo sucuudi ah waa Cabdiraxmaan Al-Dawsari ayaa dhaqan u lahaa inuu marka uu dariska marinayo inuu amaano Sheekh Sayid Qudub markaa ayaa inan xertiisa ka mid ihi ku xanaaqay oo uu yidhi sayid Qudbi Sheekh gadhka ayuu xiiri jiray, manhajka Sucuudiga inooga yimidna waxa aad ugu wayn xurmaynta gadhka, culays badan kuma hayso iyaga naxariis darada, fisqiga iyo fasahaadka (sida ay sheegaan caqiidada uun baad saxanaysaa) dulmiga, muslimiinta oo wax la taro, maamul xumada iyo waxyaalaha waaweyn ee Islaamku ka dhiidhiyo una soo dagay. xagooda culays badan kuma laha. waxa ay isku hawlaan Qamiiska gaaban, Gadhka, la dagaalanka heesaha, iyo bidcoolayaasha(waa cdii muslin ah ee ka aragti duwan) , boqorada daalimiinta ahna  indho la’aan  loo hogaansamo iyo waxyaalaha kale ee aan diinta culays ku lahayn oo aynu wada naqaano.

Sheekhii ayaa waxa uu inankii ku yidhi, haa inankaygiiyaw Sayid Qudbi ma korin jirin timaha (Shacar) ka ee waxa uu korin jiray dareenka “shucuurta”. qolooyinka qiimihiisa garanayay waxaa ka mid ahaa Sheekh Cabdicasiis bin baas oo sida sheekhayagii Cabdiraxmaan Xaashi Dubad oo ka soo baxay jaamacadda Madiina ii sheegay “daabacay dhamaan kutubta Sheekh Sayid Qudub”, ana waxa aan u soo taagnaa Sheekh Maxamed Qudub oo bare sare ka ahaa Jaamacada Umul Quraa ee Maka ku taal oo ag fadhiya Sheekh Cabdicasiis bin baas oo erayga uu yidhaahdo Maxamed Quduba,  Sheekh Cabdicasiis madaxa ruxayo, qiimayn uu qiimanayo hadalkiisaa awgeed.

Alla ha u wada naxariisto culimadaa. Sayid qudub waxa uu ahaa Caalimka ugu saamaynta badan sida la wada qirayo baraaruga islaamka (50) kii sanadood ee u danbeeyey kutubtiisuna malaha wax dadka takfiirinaya, aniga iyo dad badan oo ila ayniyana fadli badan ayuu ku leeyahay, ilaah haka abaaliyo eh.

Taariikhda Sayid qudub oo aad loo wada yaqaano mar ayaan waxoogaa ka odhan inshallaa, waxa uu u shahiiday “shareecada ilaahay halagu dhaqmo”.

Waxase aan odhan lahaa waa la wada garanayaa sheekha, Allah ha u danbe dhaafe eh, noloshiisii oo dhan dagaal gacanta ah oo muslimiinta ah ku jiray, ee banaynaynayay dhiiga iyo xoolaha muslimiinta kuna sheegayay muslimiiinta si qaawan “gaalo”,  culumadoodana “culimada gaalada” kutubtiisana maanta laga dhigo dugsiyada curuurteena. waxba yaan la is dhaleecayn ee car ha la isu soo kutub gurto oo umadda muslimka ahi ha ina dhagaysato hana ogaato cidda gaalaynta muslimiinta calanka u sida.

Sheekh Maxamed X. Maxamuud Xirsi