Kaftanka Maanta, Salxaan Janan Nooga Dhig Axmed Guruje

0
978

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi waagii Xukuumadii Kacaanka ahayd ee M S Barre ayaa Siyaad Barre Hargaysa booqasho ku yimi .

Markii odaygu Magaalada soo gaadhay ayaa qolyihii la shaqayn jiray ee isugu jiray , Xisbiga Hanti-wadaaga , Guul-wadayaasha iyo Kaadiriintu hor yaaceen oo adayga soo dhawayntiisa iyo kulanadiisa majaraha u qabteen .

Dabeeto nin raga berigaa meesha haystay ka mida oo Ku sime ka ahaa Qaybta 26 ee Ciidanka oo Darajadiisuna kornayl ahayd ayaa arkay jaanis meesha ku jira .

Ninkaas oo la odhan jiray Salxaan wuxuu isugu yeedhay Odayaal reer Hargaysa ah oo ay isku xidhnaayeen , dabeeto wuxuu ku yidhi Madaxwaynaha ayaa idin qaabilya , waxaana ku hadlaysaan afka odayaasha Hargaysa , markaa odayga marka la kulanteen ee guulaha kacaanka iyo wax qabadkiisa aan la qiyaasi karin iyo dadaalkiisa aan la malayn karayn aad ugu mahad celisaan , barwaada Gobolkan Waqooyi iyo Hargaysi haysatana uga warantaan , waxaa tidhaahdaan '' Madaxwayne Wax kale ku waydiisan maynee ,Salxaan Janan nooga dhig '' .

Imika waxa soo korodhay ayaamahan sheeko sidaa u eeg , taasoo ah , Madax iyo Xisbi yahano ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo intay Casuumad u sameeyaan Xisbigooddii ay ka tirsanaayeen odhanaya Beesha reer Qudhac/Qansax oo Madaxda Xisbiga Kulmiye casuuntay , hadda dadku waxba ma casuumine Kulmiye ayaa is casuumay , haba la is casuumee waxa lagga wada hadlayo iyo waxa laggu balamayo iyo waxa lagga sheegaysanyaana waa Salxaan janan nooga dhig .

Yeelkeede Hargaysi maanta odhan mayso Salxaan janan nooga dhig ,salxaan iyo Janan nimadiisana u shaqaynmaysee iyadaa muraadsanaysa oo masiirkeeda ka tashanaysa .