Saynisyahanno Helay Fayras Cusub Oo Dhalin Kara Cudurka AIDS Ka Kana Digay Suurtogalnimada In Xayawaanka Cudurro Aan La Garanayn Laga Qaado

0
678

Moscow (Geesa)- Culimada ku xeeldheer cilmiga hidde-sideyaasha ayaa dhowaan helay Fayras cusub oo AIDS ah oo awood u leh in uu isaga gudbo daanyeerka iyo aadamaha, sidoo kalane aadamaha iyo daanyeerka. Arrintaas oo ay aaminsan yihiin in ay wax badan ka tarayso xoojinta taariikhda dhalashadii ama bilowgii koowaad ee cudurka AIDSka iyo khatartiisa.

1

Sida taariikhuhu u badan yihiin Fayraska AIDS ka asalkiisa waxa laga helay qaaradda Afrika, waxa aanu si xawli ah u faafay Siddeetamaadkii Qarnigii tegey, oo uu daafaha dunida oo dhan ku fiday.

Waxaa hore aad loo aaminsanaa in Fayraskani uu asal ahaan ka yimid noocyo daanyeerka ka mid ah oo uu ku jiro ka lagu magacaabo Chimpanzees oo markii koowaad cudurkan qaadsiiyey dadka dalka Koongo iyo dalal kale oo iyaguna Afrika ah.

Laakiin muddooyinkii dambe saynisyahanno badan ayaa uu shaki ka galay suurtogalnimada aaminsanaantaas hore, iyaga oo ku doodaya in ay tahay arrin waaqaca ka yara fog maadaama oo waqti dheer ay u baahan tahay in fayraskani uu si guulaysata u koro isla markaana uu la qabsado isla ged-geddiga hawlihiisa unugyada aadamaha dhexdooda. Waxa kale oo ay khubaradan hoosta ka xariiqeen in Fayraskani aanu sidiisaba khatar ku ahayn caafimaadka daanyeerka uu ku dhaco. Laakiin warkanna waxaa ka daba yimid war  kale oo ka soo baxay natiijada daraasad ay sameeyeen saynisyahanka ku xeeldheer cilmiga hidde-sidaha Ling Shing Lee iyo koox cilmibaadhayaal ah oo ka tirsan jaamacadda Nebraska ee dalka Maraykanka, taas oo si aan la filayn u xoojisay aragtida hore ee sheeaysay suurtogalnimada in Fayraska AIDS ku uu asal ahaan ka yimid daanyeerka. Xeeldheerayaashan ayaa natiijadan gaadhay kadib markii ay tijaabo ku sameeyeen jiir ay ku beereen nidaamka difaaca jidhka ee aadamaha, kadibna ay sidoo kale ku beereen Fayraska HIV oo daanyeer laga keenay.

King Shing Lee waxa uu sheegay in aanay hortood dhicin in tijaabo noocan ah ay cidi samayso, iyada oo tijaabooyin ka duwan oo hore loo sameeyeyna ay daahfureen in inta badan ee Fayraska AIDSka ee daanyeerku uu awood u leeyahay in uu u dhuunto oo dhex galo unugyada nidaamka hab-dhiska difaaca ee dadka, kadibna uu ku dhaliyo caabuqan oo aakhirka awooda in unuggii qofka uu dhallangeddiyo oo u beddelo unug caabuq sida oo weliba faafaya.

Waxaa intaas dheer in xeeldheerayaashu ay ogaadeen in noocyada kala duwan ee Fayraskan HIV ee danayeerku ay isbeddel dhinaca hidde-sidaha ah sameeyeenmarka ay dhexgalaan unugga aadamaha, taas oo ka caawinaysa in ay la qabsadaan la jaanqaadista iyo isla-bed-beddelka Genome ka aadamaha. Iyaga oo Saynisyahannadu xaqiiyey in baadhistoodan ay ku ogaadeen in hal hidde-side oo ka mid ah Fayraska HIV ee ka isiran Daanyeerku uu awood u yeeshay in 14 maalmood gudahood uu 2 jeer isbeddela, markii uu la falgalay hidde-sidayaasha aadamaha.

Haddaba qormadan uu Geeska Afrika turjumay oo ay baahisay wakaaladda wararka ee RIA Novosti ayaa sheegtay in khubaradu ay warbixintoodan ku soo gabagabeeyeen in awoodda uu Fayraskan la dagaallama hab-dhiska difaaca ee daanyeerka laga helay uu u leeyahay in uu si sahal ah dhaqso ugu gudbo unugyada dadku ay qayb weyn ka qaadanayso sugidda taariikhda dhalasho ee cudurkan iyo sidoo kale khatarta ah in cudurro aan la garanayn oo badan uu aadamuhu ka qaadi karo xayawaannada.