Saynisyahan Caan Ah Oo Aaminsan In Aanu Dhulku Awoodin In Kun Sano Oo Dambe Aadamuhu Ku Sii Noolaado, Sida Keliya Ee Lagu Badbaadi Karaana Tahay In Laga Guuro

0
790

1London (Geeska)- Saynisyahanka caanka ah ee u dhashay dalka Ingiriiska Bare-sare Stephen Hawking ayaa ka digay wax uu ugu yeedhay in aanu aadamuhu wax ka badan kunka sano ee soo socda ku sii dul noolaan karin arlada, sida keliya ee uu ku sii badbaadi karo waqti intaas ka dheerna ay tahay in uu raadsado mere aan dhulkan ahayn oo uu ku dul noolaan karo.

Caalimkan cilmiga Fiisigiska ayaa fikirkiisan cilmi ku muujiyey mar uu muxaadaro ku saabsan adduunka iyo asalka aadamaha ka jeediyey doodo cilmi oo guud oo maalintii Axaddii ina dhaaftay ka dhacday xarunta United Oxford.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in Hawking oo haatan 74 sano jir ahi uu iftiimiyey cilmiyada saynis ee tirada badan ee Kontonkii sano ee u dambeeyey aadamuhu ogaaday, isaga oo sannadkan 2016 kana ku tilmaamay in uu yahay qorrax u soo baxday cilmiga maadaama oo guulo waaweyn laga gaadhay dhinaca cilmibaadhista. Isaga oo muujiyey hammigiisa ah in intan ka sii badanna la samayn doono, gaar ahaan dhina sugidda khariiradda iyada oo la adeegsanayo nidaam kombiyuutar oo ku habboo, si dunida inta hadda in ka badan loo sii fahmo, waxa aanu rajo ka muujiyey in ay taasi aakhirka keeni doonto in aadamuhu helo hab uu dib ugu noqon karo taariikhda dhulka si uu wax uga ogaado sida uu ku bilowday kawnku.

Stephen Hawking arrinta xiisaha yeelatay ee uu ka hadlay ayaa ahayd in aadamuhu ka fikiro sidii uu ugu sahan tegi lahaa meerayaasha kale si uu noloshiisa ugula baxsado marka ay dhammaato suurtogalnimada nolosha adduunku sida uu aaminsan yahay. “Waxaa waajib innagu ah in aynu sii wadno ka shaqaynta tegitaanka hawada sare si aynu dammaanad ugu raadinno mustaqbalka aadamaha” ayaa uu yidhi saynisyahankan mucjisada lagu tilmaamo oo jidhkiisa oo dhami naafo yahay marka madaxa laga reebo, isaga oo intaas ku sii daray, “Ma filayo in aynu awoodi kari doonno in aynu adduunkan ku sii noolaanno wax ka badan kun sano oo dambe, haddii aynaan ka shaqayn sidii aynu uga qaxi  lahayn meerahan talaxgabaya (Dhulka)”

Saynisyahankan ayaa la sheegay in muddooyinkii u dmabeeyeyba uu ka deyrinayey sii socoshada nolosha dhulka dushiisa, isaga oo ku dooda in cilmiga iyo Tiknoolajiyaddu ay mareen jid cusub oo u muuqda in uu aadamaha ku hoggaaminayo nolol qaldan” waxa aanu ku celceliyaa digniintiisa ah in dadku ay aad u taxaddaraan, si xal lagu samato-baxo loo helo inta ay goori goor tahay. Waxa se’ uu muxaadaradiisan u dambeeyey ku soo gabagabeeyey ereyo guubaabo ahaa oo ay ka mid ahaayeen, “Si kasta oo aynu u sawiranayno in noloshu adag tahay, haddana waxaa jira waxyaabo uu qofku samayn karo si uu guul u gaadho, arrinta muhiimka ahina waa in aynaan weligeen quusan”

Hawking waxa uu qabaa cudur Motor Neurone Disease oo qofka muddo dheer si tartiib-tartiib ah u naafeeya, tobannaankii sano ee uu soo jirayna marba marka ka dambaysa waa uu ku sii kordhayey illaa heer uu gaadhay in hadda hadalka uu u adeegsado muruqa daan keliya oo ka fayoow labadiisa daan, kaas oo lagu rakibay qalab cod-dhaliye ah. laakiin waa saynisyahan caalamiya oo tobannaankii sano ee u dambeeyey wax badan ku soo kordhiyey Sayniska gaar ahaan cilmibaadhista Fiisigiska.