Saxafiyiin Xabsiga La Dhigay Iyo Dhallinyaro Musuqmaasuq Ku Eedaysay Barnaamijka Shaqo Qaran

0
131

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay afar saxafi oo ka mid ah warbaahinta kadib markii ay wax ka duubeen koox gaar ah oo hudheelka Grand Haddi lagaga qaadayay imtaxaan barbar socday kii dhalinyarada Shaqo Qaran lagaga qaaday jaamacada Hargeysa,.

Qaar ka mid ah dhalinyarada barnaamijka Shaqo Qaran ee imtaxaanka u fadhiisanaayay ayaa sheegay inay u yeedheen warbaahintaas si ay banaanka u soo dhigaan dadka gaarka ah ee imtaxaanka u fadhiisanaayay. Taas oo sabab u noqotay in xabsiga loo taxaabo kooxdan oo ka tirsanayd tilifishanka Eryal  iyaga iyo kamaradahoodiba. Saxafiyiintan ayaa kala ah Weriye Badri Koosaar oo ah saxafi caan ah oo ka tirsan Telefishanka Eryal, Weriye Cabdiraxmaan Fantastic oo isna ah saxafi caan ah oo ka hawlgala isla telefishankaas iyo laba sawir qaade oo kala ah Caydaruus Maxamed iyo Kamaal Cabdi.

Arrintan oo ay ka hadleen qaar ka mid ah ardaydii shaqo qaran ee tababarka soo dhammaystay ayaa wuxuu dhaawac u gaysan karaa mashruucan oo ka mid ahaa qodobada ay ku faanto xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Cabdale Siciid oo ka mid ah dhalinayrada shaqo qaran ee kooxdan imtaxaanka gaarka lagaga qaadayay warbaahinta ugu yeedhay oo mar kale la hadlay tilifishanka Star  waxa uu yidhi“ Waxaan ka tirsanahay dhalinyaradii shaqo qaran bisha 30 keedan waxaanu u balansanayan in aanu u fadhiisano imtaxaan 400 qof oo ay qaadanayso shirkada Singapore  oo shaqo qaran laga qaadanayo imtaxaankii ayaanu si xor  iyo xalaal ah u tartamaynay bari iyo galbeedba Hargeysa ayaa laysugu keenay oo dhamaan Jaamacada Hargeysa ayaa la isugu keenay, markii imtaxaanka aanu u diyaar garownay waxa aanu aragnay niman aan shaqo qaran ahayn imtaxaankiina nala galaaya waanu ka hadalnay, nimankii waa nalaga saaray waxaanu ku war helnay in 300 shaqo qaran ah ay ku galayaan Grand Haddi indhaayaga ayaanu soo saarnay anagu waxba kama qaban karno dadkii awooda u lahaa ayaa waxan samaynaayay saxaafada ayaanu u yeedhnay saxaafadii markii aan kaxaynay ee ay arkeena inta laysku jabiyay macaa kamaradoodii ayaa la xidhay madaxweyne sinaan iyo cadaalad ayaynu ku galnay doorashadiiye maanta  shaqo qaran ayaa noqotay Somaliland oo dhan, shaqo qarana in kooban oo la yaqaan ayay ahayd ardaygaad aragtaaba kaadhbuu jeebada ku sitaa. Somaliland waa ay is taqaanaa hebal iyo hebel oo aan garanaayo oo aan kaga tagay Hargeysa intaan Dararweyne agay  oo xaafadahoodii hurday ayaa maanta soo xaadiray oo yidhi waan kula galaynaa imtaxaankii.  ”

Sida oo kale  Xamda Ismaacil Aadan ayaa iyaduna dhankeeda tidhi ” Waxaan ka imi gobalka Togdheer hadana waxaan ku suganahay magaalada Hargeysa oo aan ku galaayay shaqo qaran imtaxaankeedii, waxa jiray qolo kale oo dusha nalagaga keenay oo aan shaqo qaran ahayn oo saaka aanu diidnay oo aanu nidhi fasalada nagula gali maayaan, , waxa jiray koox ay dad gaar ah wateen oo ku galay hudheelka Grand Haddi waanu soo eegnay oo waanu soo aragnay markii nala ogaadayna waa nala xidhi gaadhay. “                                                                                                 Axmed Kilaas ayaa dhankiisa isugun canbaareeyay dad uu sheegay in ganacsato ay soo qoratay “ Imtaxaankii si fiican ayaanu u galnay laakiin mida jirtaa waxay tahay waxa jirtay arday dheeraad ah, awal waxay ahayd in 400 shaqo qaran laga qaato laakiin agaasimaha ayaa bogiisa soo dhigay imika in 300 looga baahan yahay shaqo qaran, waxaan u fahmay in 100 ka kale ay yihiin kuwa Grand Haddi jirta imtaxaanka ee aanu indhaayaga ku soo aragnay ma yeelayno oo ma aqbalayno imtaxaankaas lagu qaadayo Grand Haddi ee dadka gaarka ah ee ganacsatadu wataan ma aqbalayno.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.