Saxaafadda Madaxabanaan Ee Dalka Oo Cambaaraysay Xadhiga Iyo Ganaaxa Madaxdii Wargeyska Hubaal

2
594

Hargeysa(Geeska)-Saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay xadhiga iyo ganaaxa lacageed ee ay maxkamadda Hargeysa ku riday maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo tifaftiraha Hubaal Xasan Xuseen Cabdillaahi Keef-keef. Iyadoo ay maxkamadda gobalka Hargeysana hore u saartay xayiraad wargeyska. Labada suxufi ayaa markii uu shalay xukunku dhacay waxa loo taxaabay jeelka weyn ee Hargeysa oo ay ku jiraan.

Kulan ay saxaafadda Somaliland ku qabsatay hoteel Maansoor shalay, ayaa waxa laga soo saaray war-murtiyeedkan.  “Shir balaadhan oo ka dhacay hotelka Maan-soor oo ay maanta [shalay] iskugu yimaadeen Hogaanka Qaybaha kala duwan ee Saxaafada madaxabanaan ee Somaliland oo ay kaga tashanayeen Go’aanka ay ka qaadaynayaan Xukunka Sharci darrada ah ee Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay maanta ku riday Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tafatire Xasan Xuseen Cabdilaahi ( Keef-keef) oo ay Maxkamadu ku Xukuntay Xadhig iyo Ganaax,  ayay Saxaafaddu ka soo saartay bayaankan:-

Hadii aanu nahay Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxaanu Cod dheer ku cambaaraynaynaa  Xukunkaasi oo ahaa mid Cadaaldda ka fog, waxaanu u aragnaa mid sharci darro ah, sidoo kalena Gar-daro ah.

Xukunkan maanta lagu riday Madaxda Hubaal waxa loo Cuskaday Xeerka Ciqaabta Guud ( Somali Penal Code), arintaasi oo meel ka dhac ku ah Dastuurka Somaliland, iyo Xeerka Saxaafada Xeer No: 24/2004tii oo si cad u qeexaya in Dacwada ka dhanka Saxaafada loo maro Xeerka Saxaafada iyo Xeerka Madaniga ah, Nidaamka dacwadani loo maray waxay muujinaysaa in sharciga la baalmaray isla markaana laga soo saaray Xukun Cadaalada ka Fog.

Saxaafada Madaxa Banaan Iyadoo Ogsoon in Mudo Laba Bilood ka hor Weerar Hubaysan lagu Qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal, isla markaasina Dhaawacyo la Gaadhsiiyey Maareeyaha Wargeyskaasi Maxamed Caloolay, weerarkaasina illaa hada aanay jirin tallaabo sharci ah oo laga qaaday,  fal dambiyeedkaasi oo lagu Eedeeyey Xukuumada Somaliland, Xukuumaduna ilaa hada Eedayntaasi kama ay Jawaabin.

Wargeyska Hubaal oo dhibane u ahaa dhacdadaasi Cadaaladna ka sugayey in Kiiskooda la dhagaysto waxa Nasiib darro ah in Xayiraad, Xadhiga iyo Ganaax layskugu darro,  waxa kale oo ayaan darro ah in arimahani ay dhacayaan iyadoo la wada og yahay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ku lug leedahay.

Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland maaha Mid gar-diid ah, waxa ay diyaar u tahay inay sii wado waan-waad iyo wada hadal ay kula jirtay Xukuumada Somaliland  si xal loogu hello Dhibaatadan taagan ee soo noq noqonaysa.

Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland waxay Xukuumada ugu baaqaysaa in si dhakhso ah Xoriyadoodii loogu soo celiyo Labadaasi saxafi ee xidhan, isla markaana Xayiraada laga Qaado Wargeyska Hubaal, waxa kale oo aanu ku baaqaynaa in Dacwadaha Saxaafada loo maro nidaamka Sharciga ah, si dhakhso ahna loo joojiyo Dacwadaha Saxaafada ee loo cuskado Xeerka Ciqaabta Guud.”

Comments are closed.