Madaxweynihii Masar Oo Xalay Cawayskii Dambe Taladii Laga Tuuray

0
530

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii wadanka Masar Maxamed Mursi, ayaa xalay cawayskii dambe taladii laga tuuray, ka dib cadaadisyo kaga yimid shacabkiisa iyo ciidamada milatariga.

Taliyaha guud ee ciidamada Masar Gen Abdul Fattah al-Sisi, ayaa telefishanka Masar ka sheegay inuu meesha ka baxay Madaxweyne Mursi islamarkaana taladii wadanka si ku meelgaadh ah loogu dhiibay guddoomiyihii Maxkamadda sare Adli al-Mansour, Madaxweyne Mursi ayaa la sheegay in la geeyay goob aan la garanayn oo qarsoodi ah. Barta facebook ee Mursi ayaa lagu cambaareeyay ciidamada Masar iyadoo la sheegay inay sameeyeen inqilaab, waxaana markii inuu meesha ka baxay Mursi la ogaaday mashxarad la oogsaday dadkii ku mudaharaadayay ee ka dalbanayay inuu is casilo.

Hoggaanka Sare ee milateriga dalka Masar ayaa hore u sheegay in ciidamada qarankaasi ay diyaar u yihiin inay ka difaacaan dalka dhibaato kasta iyo khatarta kooxaha ay ugu yeedheen'argagixiso iyo wax-ma-garadka'.

Hadalkan ka soo yeedhay milaterigu waxa uu ka dambeeyey khudbad aad u kulul oo uu habeen hore ka jeediyey telefishannada dalkaasi, Maxamad Morsi, uguna baaqay in milaterigu ka noqdo digniintii hore ay u bixiyeen, isla markaasina ku adkaystay in aanu bedeleyn mawqifkiisa, aqbalaynna in wax loo yeedhiyo, maa daama uu yahay madaxweynihii sharciga ahaa ee la soo doortay.

Madaxweynihii hore Maxamed Mursi ayaa horeba ugu gacansaydhay digniinta kama dambaysta ah ee hoggaanka milaterigu ku siiyey xukuumadda dalkaasi iyo mucaaradka labadaba in muddo 48 saac ay la yimaaddaan xal, muddadaasi oo imika saacado yari ka hadhsan yihiin.

Taliyaha ciidamada Masar, wuxuu ka digay in la sameeyo wax rabshado ah isagoo sheegay inay ciidamadu la tacaali doonaan mudaharaado la sameeyo, waxaana laga cabsi qabaa inay dibad baxyo iyaguna sameeyaan taageerayaasha xisbiga Madaxweynihii Masar ee talada laga tuuray.

Ciidamada Masar, ayaa lagu eedaynayaa inay inqilaabeen Madaxweyne ay shacabkiisu cod aqlabiyad ah ku doorteen.

Dalalka reer galbeedka ayaa ka digay dhibaato siyaasadeed oo ka aloosanta dalka Masar mar haddii uu meesha ka  baxay Madaxweynihii Maxamed Mursi.