Sarkaal Maraykan Ah Oo Wasiir Sacad Ku Tilmaamay Nin Hawlkar Iyo Daacadnimo Isku Darsaday

0
518

sacadWashington(Geeska)-Sarkaal ka tirsan hay’adda caawimada dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID ayaa Wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay Dr. Sacad Cali Shire, ku ammaantay hufnaan, daacadnimo iyo hawlkarnaan.

Toddobaadkan waxa magaalada Virginia ee dalka Maraykanka ku kulmay Somalida degen gobalada Maraykanka qaarkood iyo hay’adda Maraykanka u qaabilsan caawimada dibadda ee  USAID, ayaa masuul dawladda Maraykanka ka tirsani wuxuu ku soo bandhigay kaalmada hay’adaasi siiso Shacabka Somaliland iyo weliba shacabka Somaliya, waxaana halkaas hadal dheer ka jeedisay Angela Yoder-maine oo ah madaxa mashruuca TIS ee hoos taga hay’adda USAD, waxaanay ka hadashay lacago ay ku bixiyaan Somaliland iyo Somaliya si wax looga qabto meelaha baahiyuhu ka jiraan. Lacagtaas oo sii mari jireen ururo maxali ahi (NGOs) waxay sheegtay inay hadda ka wareejin doonaan wixii imika  ka dambeeyana ay si toos ah ula macaamili doonaan bulshada iyo maamulada.

Mss. Angela, waxay sheegtay inay aad ula dhacsantahay wada shaqaynta ay la leeyihiin xukuumadda Somaliland, waxaanay si gaar ah u ammaantay wasiirka qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, “Wasiir Sacad Waa masuul hawlkar ah oo hufan daacadna ah.” Ayay tidhi, iyadoo sheegtay inuu wasiirku si hufan u maamulay mashaariic kala duwan oo ay wasaaradiisu fulisay, kuwaas oo uu ku daboolay baahiyo bulsheed oo wakhtigaas taagnaa, waxaanay wasiirka uga mahadcelisay sida maamul wanaaga leh ee uu ula shaqeeyo.

Maaha markii ugu horaysay ee wasiir Sacad lagu ammaano hawlkarnimo. Dhawaan ayay ahayd markii ay madaxda hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland wasiir Sacad Cali Shire ku ammaaneen inuu horumariyay wasaaradiisa islamarkaana shaqaalaha ay wasaaradiisu u baahantahay ku qaato nidaam cadaaladeed oo ka foog eex iyo dano kale. Waxaanu sidaas ku noqonayaa libaaxa golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo, waxase muhiim ah in sida ay hay’adda shaqaaluhuba sheegtay ay wasiirada kale ee xukuumadu ku daydaan, iyadoo dhawr goor wasiiro badan oo xukuumadda ka tirsan lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.