Sababaha toxobta ku keena Madaxa iyo hababka loola dagaalami karo:Diyaariye: Kamaal Axmed Cali.

0
2610

toxobtaDr. Maxamed Fayaad oo ah khabiir caafimaad oo ku xeel dheer cudurrada maqaarka ayaa sheegay in toxobta oo dad badan ku noqotay mushkilad daba dheeraataa aanay ahayn xanuun la kala qaado sida ay dad badani aaminsan yihiin. Khabiirku waxa uu sheegay in toxobta inta badan qofka ku hesho da’da bilowga dhalinyaronimo lagana yaabo in ay soo noqnoqoto ama ku dhacdo qofka illaa ay da’diisu gaadhayso Afartanaadka. Ragga ayaanay toxobtu kaga badan tahay dumarka oo qudhooda ay ku dhacdo, waxa ayse si gaar ah ugu badan tahay dadka aan cunin cuntooyinka uu ku jiro Vitamin B iyo curiyaha Zink iyo weliba noocyo ka mid ah dufannada muhiimka ah.

Khabiirku waxa uu intaas ku daray in toxobtu ay ku timaaddo is-ged-geddiga cimilada ee qabowga iyo kulayka, kaas oo keena in maqaarka madaxu uu soo daayo xaddi tiro badan oo ah unugyo shaqadoodu tahay in ay maskaxda ka ilaaliyaan dhibaatada ka soo gaadhi karta is bed-beddelka duruufaha cimilda. Toxobtu ma’aha cudur ee waa hab-difaac oo uu jidhku leeyahay, laakiin wasakho iyo wax yaabo kale oo dusha kaga yimaadda ayaa sababa in ay ka soo fuqdo lafta madaxa oo la arko iyada oo timaha ku dhex jirta ama daadanaysa marka uu qofku feedhanayo.

Ka hortagga toxobta:

Khabiirkani waxa uu ku taliyey in qofku aanu toxobta cudur u arkin isla markaana uu ogaado in aanay cidi ka qaadi karin ama isagu aanu cid kale ka qaadin. Hababka ugu fiican ee timaha looga ilaalin karo toxobtana waxa uu ku sheegay:

– Qofka oo isticmaalaha kiriimada timaha ee toxobta lagula dagaalamo, laakiin maaddooyinka ay ka samaysan yihiin iyo tayadooda ay tahay in uu khabiir kala tashado.

– Waxa kale oo uu isticmaali karaa kiriimada/Saliidda naqaska ah ee madaxa lagu buufiyo oo ah saliid loogu talo galay inay toxobta disho.

– Waxa toxobta madaxa ka ilaaliya wax yaabaha lagu midabbeeyo oo dhan, sida xinnaha. Iyo kiriimada timaha go’itaanka ka ilaaliya.

– Waxaa toxobta si aad u fiican uga hortagi kara qofka oo biyo cad oo qabow ah aad si joogto ah ugu maydha madaxa.

Daweynta toxobta:

Dhakhtarkan oo la weydiiyey bal waxa uu dawo ahaan ugu talinayo ayaa sheegay in aanay jirin daawo si kama dambays ah u jaraysa toxobta ugana hortagaysa in ay soo noqoto. Daawo kasta ama kiriim kasta oo la isticmaalo marka uu dhammaado dib ayaa ay toxobtu u soo noqotaa. Sidaa awgeed inta badan toxobtu uma baahna in loola tago dhakhtar ama in shaamboo iyo kiriim gaar ahi ay jaraan isla markaana ka hortagaan soo noqoshada. Si kastaba ha ahaato ee dhakhtarku waxa uu sheegay in toxobtu ay mararka qaarkood gaadhi karto heer ay u baahato in dhakhtar la tuso.

Dhibta ay keeni karto toxobtu:

Toxobta oo madaxa ku badataa waxa ay keentaa in qofku aad u xoqo madaxa, xoqniinkaas ayaana suurtogal ka dhiga in madaxu uu yeesho nabarro yaryar oo aakhirka caabuq keeni kara.