“Sarifka Dollarka Ee Sare U Kacay Waxa Sabab U Ah Xoolaha Xajka La Gaynayo”

0
563

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Sariflayaasha Magaalada Hargaysa  Maxamed Abiib Siciid ( Waaraad)  si gaar ahna uga shaqaya  isku bedelka lacagaha iyo qalaad, ayaa waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland aanay inta badan tixigelinta saarin lacagta dalka u gaarka ah, oo ay inta badan ka door bidaan Lacagaha qalaad, waxaanu xusay in inta badan Wadamadu ku fananaan lacagahooda, laakiin dadka reer Somaliland aanay muhiimada siina, kana faanaan Lacagtooda, oo qeybo ka mid ah lacagahaas aanay qaadanba.

Guddoomiyaha Sariflayaasha Magaalada Hargaysa  Maxamed Abiib Siciid ( Waaraad)   oo shalay Shir jaraa’iid ku qabtay Amperial Hotel ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Sarifka Lacagta Dollarka ee sare u kacay ay waxyaabo badani oo gudahashada Xajka iyo iibka Xooluhu ay sabab u yihiin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay  "In Lacagta Dollarka sare u kac ku yimaado waxa sabab u ah arimo badan, waxaana ka mid ah iibka Xoolaha ee loo dirayey Xajka oo inta badan lagu kala iibsado lacagta Dollarka ah, markiii Xoolihii Xajku soo Furmaan ayaa waxa yaraaday suuqii uu ku badnaa lacagta Dollarka ah, waxaana wareegii lacagtu samaynaysay ku batay lacagtii shilinka Somaliland, taas ayaa keentay sare u kaca dollarka".

Guddoomiyaha Sariflayaasha Magaalada Hargaysa  Maxamed Abiib Siciid (Waaraad) isagoo sharaxaya isbedelka ku yimid labada lacagood waxa uu yidhi "Bishii u dambeeyey dollarka hoos u dhac weyn ayaa ku yimid oo waxa uu gaadhay 100 dollar in lagu sarifo Lix boqol iyo sideetan oo Somaliland shilin (680,000 SLSH), halka uu maanta marayo 700 oo Somaliland shilin ah, taasina waa yaraanta uu yaraaday Dollarkii suuqa soo galayey, waxa kale oo la odhan karaa qiimaha sare u kaca ku yimid Dollarka, waa dadkeena oo aan qaadan, fikrad khaldana ka aamisan Lacagteena, oo waxa jira in Sariflayaasha kala duwan ee dalkeena ay hayaan Lacago aad u badan, oo iskugu jira Tobonkii Shalin, Labatankii Shilin, Kontonkii Shilin iyo Boqolkii Shilinba, weyna ka faanan inay qaatan lacagta, halka Wadamada Caalamka, gaar ahaan Wadamada aynu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Itoobiya, ay ku fanaan Lacagtooda, nooca ay doonto ha noqotee"