Salaxley: Tababar Ku Saabsan Habka Wada Shaqaynta Booliska Iyo Shacabka

0
683

 

cida galeHargeysa(Geeska)-Waxa degmada Salaxley lagu soo gunaanaday tababar socday saddex maalmood oo ku saabsanaa habka wada shaqaynta Booliska iyo bulshada.

Tababarkaas oo ay ka qayb galeen dadweyne gaadhaya 65 qof oo ka kala yimid Salaxley, Qool-buulale, Aadan Abokor iyo Sharmaarke, waxa fuliyay hay’adda DDG iyo ururka wadaniga ah ee Horn Peace, waxaana lagu lafo gurayo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Booliska iyo Bulshada, isla markaana sidii tuulooyinka loo gaadhsiin lahaa adeega wax qabadka booliska, bulshaduna ay u caawin lahayd booliska.

Waxaana tababarkaa ay hay’adaha DDG iyo Horn-Peace ay wada fulinayeen layskula qaatay in la sameeyo gudiyada wada shaqaynta Booliska iyo Bulshada ilaa heer tuulo, si ay booliska ugu fududaato bixinta adeega nabad galyada, korna loogu qaadi lahaa badbaadada bulshada ee heerkasta.