Meles Zenawi Oo Cambaareeyay Baanka Adduunka Iyo Hay’adda IMF

0
1920

 

malasAddis Ababa (Geeska)-Ra'isulwasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa cambaareeyay Baanka Adduunka iyo hay’adda lacagta Adduunka ee IMF, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay doonayaan inay shaki geliyaan qorshaha horumarka Itoobiya.

Ra'isulwasaare Meles ayaa sheegay in masuuliyiinta labadan hay’adood ay billaabeen fidinta dacaayado raqiis ah, kadib marki ay dowladda dhexe Itoobiya  diiday in dadyow shisheeye ah u yeedhiyaan siyaasadda dhaqaale ee uu dalka Itoobiya ku dhaqmayo.

Ken Ohashi oo ah madaxa baanka adduunka ee Itoobiya, ayaa dhawaan qoray qormo uu ku dhaliilay qorshayaasha horumar ee Itoobiya ee shanta sannadood ee soo socda oo sida uu u socdo uu shaki geliyay, laakiin Meles Zenawi ayaa qormadaas ku tilmaamay mid aargoosi ah ka dib markii sida uu sheegay ay Itoobiya diiday siyaasad uu soo diyaariyay baanka adduunku.  "Agaasimaha Bangiga Aduunka u qaabilsan Itoobiya wuxuu yaqaanay dalal kale oo koraya oo iska dhageysta awaamiirtiisa, mana u baran dalal diida hirgalinta siyaasadda ku saleysan rabitaankooda. Halkan [Addis Ababa] ayuu ka tagay, kadib markaanu ka diidnay inaan u ogolaano inuu noo sheego waxa aanu qabaneyno, markaas ayuu qoray maqaal uu nagaga aargoosanayo," sidaas waxaa yidhi Meles.

Qorshahan horumarka Itoobiya ee uu masuulka baanka adduunku dhaliilay ayaa ah mid ay dowladda Itoobiya ku dooneyso inay guud ahaan dalka Itoobiya kaga hirgaliso isbadal iyo kobac dhaqaale oo gaadhaya 14.9 boqolkiiba shanta sano ee xiga. Laakiin masuulkaas Baanka adduunka ayaa qorshahaas ku sheegay  mid aan shaqeyn doonin, islamarkaana aan waari karin wakhtiga fog.

Ra'isulwasaare Meles ayaa taas kaga jawaabay in hadalka Kenichi uu yahay mid aan wax ka soo qaad ah laheyn, maadaama la ogaaday inuu yahay nin dhawaan howlgab noqon doona. Meles Zenawi ayaa sidoo kale cambaareeyay hay’adda lacagta adduunka ee IMF.