Salaadiinta Awdal Oo Xildhibaanada Ugu Jira Guurtida Iyo Wakiilada Ugu Baaqay Shir Wada Tashi Oo Borama Ka Dhacay

0
581

Hargeysa(Geeska)-Salaadiinta gobalada Awdal iyo Selel ayaa xildhibaanada gobaladan ugu jira guurtida iyo wakiilada ugu baaqday inay ka qayb galaan shir 28-ka bishan August ka dhacaya magaalada Borama, kaas oo lagaga tashanayo arrimo  ay ku sheegeen inay yihiin muhiim.

1

Suldaan Jaamac Ibraahim Samatar, Suldaan Xasan Xadi iyo Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal oo shirjaraa’id shalay ku qabtay magaalada Borama, ayaa waxa ay xildhibaanada ugu baaqeen inay shirkaas ka soo qayb galaan si ay uga qayb galaan shir wada tashi.

Suldaan Xadi, ayaa ugu horayn yidhi “Waxaan  baaq u diraynaa labada gole ee guurtida iyo wakiilada Awdal iyo Selel inta kaga jirto guurtida iyo wakiilada inay 28 bishan yimaadaan Borama, aan isugu nimaadno wixii tallo iyo tusaale ah si aan u tashano, isuguna sheegno wixii tabasho ah.”

Suldaan Samatar, ayaa isna yidhi  “Xubnaha guurtida iyo wakiilada kaga jira Awdal iyo Selel, waxaanu leenahay inay yimaadaan magaalada Borama 28-ka bishan, halkaas oo dhaqanka gobalada galbeedku ay wada tashi ku yeelan doonaan ku saabsan arrimo badan oo dalka ka jira, markaas waxaanu ugu baaqaynaa xubnaha guurtida iyo wakiilada inay baaqaas u dhego nuglaadaan.”

Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal ayaa isna ugu baaqay xildhibaanada labada gole inay shirkaas ka qayb galaan si ay uga qayb galaan wada tashiga laga yeelanayo arrimo ay salaadiintu ku sheegeen muhiim.

Salaadiinta ayaa la filayaa inay xildhibaanada reer Awdal kala tashadaan qaddiyadda saami qaybsiga golaha wakiilada, waxaanay xukuumadu indhaha ku haysaa shirkaas oo ay eegayso natiijada ka soo bixi karta,maadaama oo aanay ogayn ee ay ku war heshay dhawaaqiisa.