Bulshada Somaliland oo soo dhawaysay Xafiiska Cusub Ee Denmark

0
668

Hargeysa(Geeska)-Bulshada Somaliland ayaa soo dhawaysay go’aanka ay dawladda Denmark ku cadaysay inay xafiis farsmo kaga furanayso magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Furashada xafiiskan oo uu Madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyay wasiirka horumarinta Denmark oo dhawaan socdaal shaqo ku yimid Hargeysa, ayaa waxa kale oo cadaysay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas oo sheegtay inay go’aankan qaadatay ka dib markii ay ku qanacday heerka nabadgelyo iyo Dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland gaadhay. Denmark ayaa markaas noqonaysa dawladii u horaysay ee reer galbeed ah ee xafiis ka furata Hargeysa, dhinaca kalena waxay noqonaysaa dawladii labaad ee dunida ka tirsan ee si rasmi ah u sheegtay inay xafiis ka furanayso magaalada Hargeysa. Dawladda Itoobiya ayaa ah dalka keliya ee xafiis qunsuliyadeed oo si rasmi ah u shaqeeya ku leh magaalada Hargeysa, waana dalkii u horeeyay ee xafiis noocaas ah ka furta magaalada Hargeysa.

Wargeyska The Horn oo ah mataanka Geeska Afrika ee toddobaadkiiba hal mar ku soo baxa luuqadda Ingiriisida ayaa cadadkiisii u dambeeyay wuxuu qaybtiisa tifaftiraha ku soo qaatay xafiiska ay dawladda Denmark ka furanayso Hargeysa, http://hornnewspaper.com/2012/02/editorial-danes-continue-to-amaze-somalilanders/ kaas oo uu ku tilmaamay go’aan geesinimo leh oo ay dawladda Denmark qaadatay, waxaanu Wargeysku sheegay inay bulshada Somaliland dawladda Denmark abidkood u hayn doonaan hiilka ay isla barbar taagtay xilli ay bulshada caalamku iska dhego tiraysay labaatan sannadood oo ay ku naaloonayeen nabadgelyo iyo xasilooni buuxda. Wargeysku wuxuu sheegay inay bulshada Somaliland ku faraxsantahay xafiiskaas oo ay aaminsanyihiin inuu sidoo kale tusaale u noqon doono wadamo badan oo weli iska dhego tiraya baaqyada Somaliland ee ay bulshada u dirayaan.

Inkastoo aanay dawladda Denmark si rasmi ah u aqoonsan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, haddana xafiiskeedan cusubi ugu yaraan wuxuu soo kordhinayaa iskaashi iyo macaamil ka sokeeya intii hore. Sidoo kale mawqifkan Denmark waxa soo dhaweeyay jaaliyadda Somaliland ee iyaguna dalkaas ku nool, kuwaas oo ku tilmaamay taageero labaad oo ay Denmark u fidisay mar haddii ay dalkoodii u jeedsatay.

Si kastaba ha ahaate xafiiskan Denmark oo ay wasaaradooda arrimaha dibadu sheegtay inay fadhiisan doonaan laba qunsul, ayaa wuxuu Somaliland ku soo jeedin doonaa indhaha wadamo markii hore danaynayay balse ku dhici la’aan inay wada shaqayn toos ah la yeeshaan Somaliland.