Salaadiin Guddiga Doorashada Ugu Baaqday Inay Wax Ka Qabtaan Cabashooyinka Ururadu Tirsanayaan

0
595

salaadiiinHargaysa( Geeska )-Salaadiinta Beesha koonfurta Hargaysa ayaa guud ahaan ugu baaqay shacbi weynaha Somaliland in si wada jir ah loo ilaaliyo nabada dalka, waxaanay si cad u sheegeen in aan looga baqayn inay wax u dhimaan nabadgalyada dalka.

Salaadiintan oo uu ku jiro Suldaanka guud ee beesha Arab Suldaan Cumar Suldan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa komishanka uga digay inay gacantooda ku gawracaan nabadgalayda Somaliland waxaanay u soo jeediyeen in dib loo eego cabashooyinka ka soo baxaaya gobalada darafyada dalka.

Suldaan Cumar, waxa uu gunaanadkii sheegay in uu ka xun yahay dhibka qabsaday beelaha darafyada, waxaanu ku baaqay inay marti qaad u fidin doonaan beelahaas, isaga oo dardaarana u soo jeediyay.

Waxay salaadiintu sidan ku sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargaysa, waxaan ugu horayntii halkaas ka hadlay Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo  hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Marka hore waxaanu ka hadlayanaa nabadgalyadu umadda Somaliland waa mid u wada dan ah oo aan cid gaar ah u dan ahayn, waxaanu leenahay nabadgalyada si wanaagsan ahaloo wada ilaaliyo, dadka shacabaka ahna waxana uga mahad naqayaa siday codkooda u siiyeen asxbaatii loolamaysay ee xilkaska ahayd, ururada iyo xisbiyada ku tartamaayay codka waxaan leeyahay dadku sharaf ayay idinka mudan yahiin maadaama oo ay codkoodii si sharaf leh idiin siiyeen gilgil kale iyo dhibaato kale uma baahna.”  Ayaa uu yidhi Suldaan Xuseen waxaanu intaas sii raaciyay “ Waxaynu ku noolayn waa nabadgalyo halkaasna waxaynu ku soo gaadhnay isku tanaasul, sidii  caadada inoo ahayd ee laynugu wada yaqaanay aynu ilaashano, marka xaalad doorasho laga hadlaayo waxaanu leenahay komishanka ayaa inooga wakiil ah oo qarankan u dhaarsan waxaanan leeyahay komishankii isaga oo aan hadal waxbana ka soo baxin yaan laga hor dhacin, isagana halaga sugo natiijada isaga ayaynuna isha kuwada haynaa, hadii waxa la sheeg-sheegayaa ay jiraana isagaa sheegi doona waxaanan leeyahay komishankeena aynu ka war sugno.”

Suldaan Cabdilaahi Axmed Cilmi ayaa isaguna dhankiisa yidhi sidan “Nabadgalyadu waa furaha nolasha waana waajib oo waa in aynu ilaashanaa, talabaad waxaan ku darayaa sadexda gobal ee Sool,Sanaag iyo Selel ee qayla -dhaantu ka soo yeedhayso inay komishanku ka jawaabaan ayay ahayd, maanu maqalina iyaga oo ka jawaabaya, cadaaladuna waxay ku jirtaa markaad qofkaaga dulman aad u jawaabto ee aad qanciso,waxa ka muuqata komishankeena inay u aamuseen, waxa loo baahnaa in Komishankeenu waajibkooda ka gutaan, imikana sadex gobal ayaa kacsan  markaas waa inay ogaadaan komishanku in aan xukuumada iyo urur toona masuul ka hayn ee ay iyagu ka masuul ka yahiin waxii halkaas qalad ka yimaada, cidii alle u qoraana soo baxayso oo waa loo hanbalyayndoonaa.”

Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale ayaa isaguna dhankiisa dardaaran u diray komishanka doorashooyinka waxaana hadalkiisa kamid ahaa“ Hadalka meeshan yaala waxa u jifo ah in nabadgalyada la ilaaliyo, Somaliland ama xaafadaba waxaanu leenahay waa inaad aad iyo aad uga hawlgashaan nabadgalyada  inaad ilaashataan, waa naftaadii nabadu, caawa naf nabadgalyo wayday waxay ku nooshahay ma jirto intaynu ku noolnahayna waa intaas, waxii tabasho ahna waa la dhamaystiri doona insha allaahu. Waxaad mooda in isha xagan lagu soo yara godaayo waxbaana ka jira, waxii ka jirana waaba layska gaadhi doonaaye waxaanu leenahay waa in la ilaalyo nabadgalyada.”

Isagoo Suldaanku la hadlaya guddiga doorashada, wuxuu yidhi “Koomishanka waxaanu leenahay waanu idiin ducaynaynaa marka ugu horaysa ee garabkiina alle hagalo, dalka doorashadii hor sharafbaad ka mudnaydeen, maalintii laydin gudoonsiinaayay bilad sharafta goobjoog ayaan u ahaa waanad mutaysateen,  waxaad iska diideen urur iyo laaluush oo aad faraha ka qaadeen oo sidii Alle idinku ogaa ayaad wadanka uga shaqayseen, maantana sidii iyo si lamid ah ayuu shacabka Somaliland idinka filayaa inaad ku hadashaan oo runta ku sheegtaan.”

Ugu danbayntii waxa shirkaas jaraa’id soo gunaanaday Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Somaliland markaynu ka hadlayno nabadgalyadeeda odayaashan idin horfadhiya iyo odayaal kale iyo intii dhimatay iyo inta nooliba bud-dhig ayay u ahaayeen mana filayno in waxii aanu gacantayada ku samaynay in ay gacantayada ku burburto runtii taas nalaga filimaayo, intii ku talogashay ee tidhi beeshaas ayaa samayn doonta wax nabadgalayada Somaliland lidi ku ahba waxaan filayaa in aanay aqoon fiican noolahayn, taas waxaan leeyahay mar walba waxa codsata nabadgalayda cidda kursiga ku fadhida, barigii mucaaradka uu ahaa xisbigan imika talada hayaa waxay raga qaar ka xanaaqi jireen nabadgalyada hala ilaaliyo, anagu laakiin mar walaba waxaanu leenahay nabadgalyada hala’ilaaliyo, taas iyada layska baryi maayo gacanta dadkaana ku xidhan oo gacantayada ku baximayso Somaliland, marka xagan loo soo xaglinaayo weeyaan, waxaanse filayaa inay meelo kale ku bixi doonto.”

Suldaan Cumar oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Komishankan iyo ururdan tartamaaya haddaan u soo leexdo, koomishanku sidaas suldaanku sheegay sharaf buu mudnaa oo dalcado badan ayuu inaga soo saaray, qaabkan uu imika u socdo laakiin waxaad moodaa inay iyagu siyaasiyan Somaliland gawracayaan, haddaan in yar biniixiyo dagmada Xudun oo kale  shan goobood ayaa laga soo qaaday magaaladaas iyo goobta ugu dhaw ee laga codeeyay waxay isku jiraan sideed kiilo mitir oo kaliyaata, ciidamaduna waa ay ka sii shisheeyeen oo nabadgalyadoodu waa ay sugnayd, waxa yaan daro ah in xuquuqdii muwaadinka reer Somaliland ee jacel inuu codkiisa dhiibto in la kala saaro oo la yidhaado midna waa uu dhamaystiran yahay midna waa nus oo xaq uma laha inuu codeeyo, ayaan daradaasna waxa kow ka ah komishanka, komishanka yaa laga rabaa inuu xuquuqda muwaadinka ilaaliyo, haday komishanku ku xadgudbaana xukuumadu inay faraha la soo gasho ayay ahayd.”

Suldaan Cumar Suldan Maxamed Suldaan Faarax isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi  “Waxaad moodaa imika qaabkan ay wax u socdaan iyada oo ay cabashooyinbadan jiraan oo meelo badan laga qaylinaayo, oo qofkii isaga oo qaylinaaya oo leh waata halkaas sanduuq la sii sito  oo cidii komishanka ka masuulka ahaydna ay leedahay malaa adiga ayay ceeryaan ku hor carartay ee sanduuq lama sii sidan, halkuu baadhitaankii ka galilahaa ee uu go’aana ka gaadhi lahaa. Ayuunbay kaga dhamaatay waxaanu soo saarnay dagmo heblaayo codadkeedii iyada oo ay cabashooyin  meesha yaaliin, waxaana fiicnayd in ay ka horaysiiyaan inay cabashada xaliyaan, waxaanan u aragnaa inay komishanku ka dhago adaygayaan  dadkaas dhawaaqaya ee muwaadiniinta ah, xaq baanay u leeyahiin in waxooda loo hagaajiyo oo ay u saxaan, haddii taas la waayo macnaheedu waxa uu noqonayaa in komishanka oo markii hore sharaf mudnaa uu noqon karo isalaantii xabadii ugu danbaysay ka kacday intay intii kalena ridiqday, oo ay noqonayso kuwa iyagu siyaasiyan ku gawracaaya Somaliland, waxaanan leeyahay arintaas haka digtoonaadaan. Xukuumadana waxaan leeyahay masuulka waa la canbaareeyaa oo waa la xagtaa , waa la xajiimeeyaa, adkaysigeedana ha yeeshaan dadkan waxii ay u saxi karayaana hawsaxaan.”

Ugu danbaytii waxa uu suldaanku tacsi u diray beelaha darafyada waxaanu u soo jeediyay in ay gogal marti qaad ah u fidinayaan“ Beelaha ka soo jeeda bariga iyo galbeedka Somaliland run ahaantii waxaanu u aragnaa inay tacadi gaar ah tirsanayaan, dhibtaas ay tirsanayaan anaguna waanu la qabnaa waanu ka xunahayna, waanan ka tacsiyadaynaynaa, waxaanan jacelnahay in sida ugu sharafta wanaagsan loo saxo, waxaanan  leenahay walaalayaal dhibaatooyinka idinku dhacay waanu idinkala mid nahay intii la saxi karaayana waa la saxayaa muwaadinimadiinana yaanay wax u dhimin Somaliland-nimadiinana yaanay wax u dhimin. Ugu danbayntii waxaan jeclahay inaan ka hadlo qodab aanu anagu jacelnahay inaan beelahaas si gaar ah ugu soo jeedino, waa dad aynu wada dhalanay waa dad muwaadiniin ah waana dad Somaliland ah, beel ahaan waxaanu anagu si gaar ah u marti qaadaynaa beelahaas dagan Sool,Sanaag iyo Salal gaar ahaan ayaanu u marti qaadaynaa, dhibaatooyinkan xajiinta leh ee ay samaynayaan  doorashooyinkuna in loo dul qaato weeyeen, dib ayaanu ka soo sheegi doonaana wakhitiga marti qaadkaas.”