Goob-jooge Dr. Steve Kibble Oo Ka Waramay Doorashadii Somaliland

0
751

goobHargeysa (Geeska) Goob-joogeyaasha caalamiga ee doorashooyinka deegaamada Somaliland ayaa sheegay  inaanay jirin wax ku shubasho ama wax-isdaba-marin ah oo xukuumadu samaysay.

Dr, Steve Kibble, horjoogaha goob-joogeyaashii caalamiga ayaa sheegay inaan goobjoogeyaashu metelin dalalkooda, balse jiraan dalal badan oo danno badan ka leh Somaliland warbixitoodana sugaya.

Dr, Kibble oo Maxamuud Walaaleye oo ka tirsan bahda Wargeyska Geeska Afrika, wareysi koobana la yeeshay ayuu ku sheegay inay muhiim tahay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha la sameeyo ka hor doorashooyinka soo socda, waxaana jawaabahiisi u dhaceen sidan:

Ugu horeyn warbixin kooban naga sii aragtidaada sidii doorashooyinkii deegaamada Somaliland u dhaceen?

Guud ahaan waxay ahaayeen kuwo nabadgelyo u dhacay, shaqaalahii goobaha doorashooyinku si haboon ayey hawlahooda u gudanayeen, maanu arkin wax isdaba-marin ah, caqabada keliya ee dhacay Hargeysa waxay ahaayeen buuqa, iyo meelo waxoogaa ciidamadii booliisku cadaadis badan oo buuq abuura sameeyeen. Mushkilada ugu weynayd waxay ahayd isku deyga laba codeyn, taana ma ogaan karno ilaa natiijadu soo wada baxaan saamaynteeda. Arrinkaa aad ayaan u dareenay, diiwaangelinta codbixiyeyaashuna waa muhiim in doorashooyinka soo socda lagu galo.

Sidaad u aragtaan cabashooyin ururada.xisbiyada qaarakood ku sheegeen in xisbiga Kulmiye ku shubtay codadka deegaamada qaarkood?

Wax haba yaraatee muujinaya ama sheegay codad lagus hubtay oo dhacay ma jirto. Waxaanu aragnay badi waxay ahaayeen dad isku deyaya inay mar ka badan codeeyaan guud ahaan dalka badankiisa, ama dad aan gaadhin da’dii codeynta, gebi ahaanba maanu arkin falal wax-isdaba-marin oo xukuumadu samaynayso.

Goob-joogeyaasha caalamka aad hogaaminaysid, ma dalalkood ayey metelayeen, mise meelo kale?

Maya, badankoodu iskood ayey u yimaadeen, oo xitaa iyagu iska bixinayeen kharashaadkii hurdadooda iyo cuntadooda. Ujeedadoodu waxay ahayd aragtida himilada reer Somaliland ee nidaamka dimoqraadiyada ugu qabsanayaan doorashooyinka.

Ma filaysaa in ku laabashada dalalkoodu saamayn ku yeelan doonto doorshooyinkii Somaliland ee goob-joogeyaasha ay ka ahaayeen?

Taasi way adag tahay inaan sheego, laakiin waxaan filaynaa inaan warbixinta ugu danbaysa soo saarno bilaha ugu horeeya sannadka danbe, taasoo dalal badan oo goobjoogeyaashani ka yimaadeen qaarkood danno badan ka leeyahiin Somaliland.