Salaadiin Baaq U Dirtay Ururada Iyo Murashixiinta

0
503

Hargaysa( Geeska )-Tiro kamid ah salaadinta Somaliland ayaa ururada iyo asxbaata tartamaayay ugu baaqay in ay dhawraan karaamada qaranka iyo waliba codka ay dadka reer Somaliland bixiyeen, salaadiintan waxay ku baaqeen in laysugu hanbalyeeyo tartanka doorashada oo aan lagu khal-khalin amaanka dalka.

Waxaanay komishanka u soo jeediyeen inay sugaan cadaalada si loogu wada qanco natiijada doorashada ee la sugaayo, waxa kale oo ay salaadiinta waxba kama jiraan ku tilmaameen inay damacsan yahiin inay faro galiyaan hanaanka doorashada, waxaanay baaqooda ku soo gunaanadeen in xildhibaada tartamaayay inta soo baxdaa ay tahay hogaamiyayaasha golayaasha deegaanka ee dalka.

Waxaana salaadiintan ay ku qabteen shir jaraa’id oo wadajir ah hotel Ambasadar ee magaalada Hargaysa, waxaana kamid ahaa salaadiinta halkaas ka hadashay suldaanka guud ee Habar-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxaan hadaladiisa kamid ahaa “ Sida ay salaadiintu yidhaadeen hala’ilaaliyo nabadgalyada, ururada maanta waa ay wada sinaayeen oo sadexda xisbi halkaas ayay ka soo baxayeen, mid la jacel yahay iyo mid aad nacebtahayba qof kasta oo Somaliland joogoow halkaas ayuu ka soo baxayaa calafkuna dhanka alle ayuu ka qoran yahay, ururo horoo hadhay ayaa jira oo dadkooda kamid noqday, doorashooyin kuwan deegaanka lamid ah ayaa iyan soo maray, sidii laynugu yaqaanay Somaliland ahaan ee xaragda ahaa ayaa laynaga rabaa.” “ Ururada madaxdooda iyo musharaxiintii tartamaayayba nin kasta oo waaya inuu soo duceeyo oo uu yidhaado alle habarakeeyo inta soo baxda, inamada inoo soo baxa ayuubaa madax inoo noqonaaya, kan hadhay laftigiisu waxba yaanu cuqdad qaadin ee waa ninkii u tartamaayay inuu madaxnoqdo liiskii madaxtinimada waa uu galay, kan helayna waxba ma dheeree nasiibkaa meesha keenay waana laysku hanbalyaynayaa alle hadii uu ka dhigo.”

Ugu danbayntii waxa uu suldaan Xasan hadalkiisa ku soo gunaanday sidan “ Dadka reer Somaliland waxaan kula dardaarmaynaa markay war maqlaan ama cabatin hanoqdo ama hanjabaade in la hubsado oo laga taxadiro warka dabayluu ay sidaan, waxa inugu xeeran cadaw badan oo qarankan jacel in uu maanta inaga dumo, inaguna raasmaalka qudhiyaata ee aynu haysanaa waa isaga,hana lagu faro adaygo sidii amnigu aanu u wiiqmin, allena waxaan ka rajaynaynaa nabadgalyo taam ah ku dhawaaqista natiijadana haynuugu dhameeyo, cidii cabanaysaana wado sharci ah haw marto, ha la ixtiraamo oo ha la dhagaysto  si xaq iyo cadaalad ahna haloo qanciyo waxay arintaasu qusaysaa komishanka doorashooyinka qaranka oo doorashadii madaxtinimadana  si cadaalad ah u sameeyay halaguna cimro qaato xukuumadii talada dalkan haysay ee sida sharafta ah ku wareejisay.”

Sildaan Axmed Nuur Samaale oo halkaas ka hadalay waxa hadaladiisa kamid ahaa “ Waxaan leenahay asxaabta intii doorashadan gashay todaba ayay ahayd in idinkaga hadhay tijaabadii horena waa ay jirtaa intii isku soo baxday ayaa todaba ahayd, todabaduna ma soowada baxayaane waxa meesha laga rabo waynu oganahay oo waa sadex, waxaan leenahay qoladii hore ee hadhay waxay ku hadheen imtaxaan imikan afar ayaa hadhayaa oo sadex ayuunbaa soo baxaaya, waxaanan leenahay walaal asxaabtii hadhaay u hogaansan walaalnimada iyo sida laguu karaameeyay waayo mid qaday ururadaas majiro ee waa la kala cod badnayaa’uun, markaas ninka yidhaahda hebalbaa iga badsaday waa nusqaan ee cidii laga codbataa haku samirto, oo ha ilaaliso waxii lagu heshiiyay ee aynu dhiganay.”

Ugu danbayntii waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Suldaan Bare Warsame Shire oo isagun halkaas ka hadlay “ Dimuqraadinimada aynu ka sheekaynaynaa maaha in qofku  bil qasab uu wax ku helo, inuu been sheego inuu waxa umada boobo,inuu cadaalad daro sameeyo oo dabadeetona marka uu intaas umada lahi ay ka hadashana la yidhaado waa nala cabudhinayaa, waxa weeye dimuqraadinomadu incadaalad la helo,in badagalyada la dhawro oo aan cidina dumin, in runta lagu hadlo, in sidaas loo fahmo ayaa loo baahan yahay.Waxa is sharaxay todaba urur maaha  markaas wax waayo inuu yidhaado dimuqraadiyadii ayaa meellagaga dhacay, arinkuna waxa uu ku jiraa gacnata shacabka oo iyada uunbaa dadka is dheeraysiinaysa la dooranaayo, waana in cadaalad la helaa oo nin waliba codkii shacabku siiyay sidii loo siiyay ay ugu nabad galaan.”

Hadalka salaadiinta ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay soo baxayaan cabshooyin ku shubasho oo ururada qaarkood ay ka hadleen, waxaana haataan loo dhagtaagayaa natiijada kama danbaysta ah ee komishanka doorashooyinka.