Safiirka Djibouti Ee Muqdisho Oo Hambalyo U Soo Diray Shacabka Somaliland Iyo Madaxweyne Biixi

38
4037

Hargeysa(Geeska)-Safiirka dalka Djibouti u qaabilsan Soomaaliya danjire Dr. Aadan  Xasan Aaden (Beleloo) ayaa hambalyo u soo diray shacabka Somaliland iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Safiir Aaden, oo xalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu ku farxay jawiga ay doorashadu ku qabsoontay iyo weliba jawiga nabadgelyo ee shalay xil wareejintu u qabsoontay, “Anigoo faraxsan, waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland iyo madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanan umadda Somaliland la qaybsanayaa farxadda iyo nabadgelyada ay doorashadu ugu qabsoontay, Allena waxaan uga baryayaa inuu horumarka u sii siyaadiyo.” ayuu yidhi Danjire Aaden.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here