“Beesha Caalamka Waxaan Leeyahay, Waad Aragtaan Horumarka Aanu Ka Gaadhnay Dimuqraadiyada”

46
3217

Madaxweyne-xigeenkii hore md Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay inay Somaliland horumar ka gaadhay dhinaca Dimuqraadiyada iyo hanaanka dawladnimo, waxaanu beesha Caalamka ugu baaqay in aanay Somaliland kala masuugin aqoonsiga,halka uu tilmaamay in Somaliya, ilaa hadda aanay gaadhin heerka ay Somaliland ka gaadhay Doorashooyinka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay munaasibadii xil wareejinta, waxaanu tilmaamay inay Somaliland sharaf u tahay in Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne ku xigeenadii taladda dalka iskaga dambeeyey ay Munaasibada xil wareejinta wada joogaan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Madaxweynihii la doortay, Madaxweynihii ka horeeyey ayuu xilkii kala wareegay, taasina waa sune la jeexay, ILLAAHAYNA inoo sakhiray, marka laga soo bilaabo shanti hogaamiye ee SNM, xilka wey isku wareejiyeen, shan Madaxweynena xilka wey isku wareejiyeen, ALLE ha u naxariiste Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu taladda dalka ku wareejiyey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo isna ALLE ha u naxariiste, Cigaalna waxa taladda dalka uga dambeeyey Daahir Rayaale Kaahin, oo uu isna ku wareejiyey Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo isna maanta (shalay), ku wareejiyey Muuse Biixi Cabdi, Xafladda xil wareejinta waxa fadhiyey Madaxweyne ku xigeenadii taladda dalka iskaga dambeeyey, Madaxweynayaashii taladda dalka iskaga dambeeyeyna wey fadhiyeen, waana arin sharaf u ah qarankan, aynu maanta dugsanayno, qarankana waa qaran taabo qaaday, oo hore u socday, waxaynu sameeyna waa wax aan ka dhicin Geeska Afrika iyo Wadamada Afrikaba, waa arin cashar u noqonaysa cid kasta oo doonaysa inay madax noqoto inuu xilku meerto yahay, oo aanay kursiga cid gaar ahi lahayn ee uu yahay amaano, Xaflada wey fadhiyeen EU-dii, Dawladdo badan oo Caalamka ah ayaa fadhiyey, Wadamada aynu jaarka nahay ayaa iyana ka soo qayb galay”

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Wadanka aynu jaarka nahay ee aynu walaalaha nahay ee aynu dib ugala soo noqonay xoriyadeenii ee Somaliya, wali waa wax soo dooranaaya Beelihii, ma jiro Madaxweyne ay shacabkoodu si xor ah u soo doorteen iyo Barlamaan ay shacabkoodu soo doorteen, halka aynu inagu Doorashadeenu si xor iyo xalaal ah inoogu dhacdo, oo dadku iskood u soo doortaan cida ay markaas doonayaan, taasina waxay caddayn u tahay inaynu horumar ku talaabsanay”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Jaamacada Carabta, Midawga Afrika iyo IGAD, oo ilaa hadda aan ka hadal Doorashada Somaliland ka dhacday ayaa yidhi “Wadamad Carabtu kursiga wey ku fadhidaa, oo kama kacdo, oo Madaxdoodu nin kasta wuxuu ku fadhiyaa ilaa sodan sanno, oo waa nin hoostiisu ololayso, IGAD-na waa la mid, oo Kenya ayaa loogu qaatay, oo waa kuwaas ilaa hadda is haysta ee murmaya, markaas nin ka baqaya in kursiga laga qaado ku soo tahniyad maayo, laakiin waxa sharaf weyn ahayd in Wadanka aynu jaarka nahay ee Jabuuti ay soo dirtay Wafti, in Wadanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya ay soo dirtay Wefti, in Wadanka Kenya ay soo dirtay Wefti, taas oo ka turmaysa in Wadamada aynu jaarka nahay ay ka maqnayd oo qudha Somaliya, insha allaahna waxaan filayaa in Somaliya wakhtiga aynu heshiino ay iman doonto, taas oo ka turjamaysa in shanti Somaliyada ee la doonayey inay isku yimadaan inay maanta Somaliya oo qudhi ka maqnayd”.

Mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa yidhi “Waa inaynu dalkeena wax ka soo saarana, oo aynu u dhaqaaqna wax soo saarkeena, oo aynu wax beeranaa si sicir bararku inooga dego, waa inaynu lacagteena muhiimada kowaad siinaa, oo lacagteena ayeynu leenahay ee waa inaynu lacagteena si toos ah u isticmaalna”.

Mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa yidhi “Guul baa inoo soo hoyotay haddii aynu nahay Somaliland, waa inaynu ilaashana dalkeena iyo nabadgalyadeena, dalkeenana tacab badan baynu galinay ee Beesha Caalamkana waxaan leeyahay, waad aragtaan horumarka aanu ka gaadhnay dimuqraadiyada iyo hanaanka wacan ee aanu iskugu wareejino xilka, ee Ictiraafka hana gala masuugiina”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here