Safiiradda Dalalka Denmarka Iyo Holland Oo Ku Baaqay In Deg Deg La Isugu Keeno Madaxda Somaliland Iyo Soomaaliya, Dibna Loo Bilaabo Wada Hadaladii

31
5298

Hargeysa(Geeska)-Safiirada dalalka Denmark iyo Holland u jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya oo sidoo kalena qaabilsan arrimaha Soomaalida, ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka galay.

Safiirka Denmark ee Kenya Mette Knudsen iyo safiirka wadanka Holland ee Kenya Frans Makken, ayaa sheegay inay muhiim tahay in si deg deg ah loo bilaabo wada hadaladaas Hargeysa iyo Muqdisho,  islamarkaana la kulansiiyo madaxda Somaliland iyo Soomaaliya waxaanay hadalkan ka sheegeen kulamo ay toddobaadkan la yeesheen wakiilka Somaliland u jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. “Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay isugu keenaan labada dhinac [Somaliland iyo Soomaaliya]  wareeg kale oo wada hadalada ah.” Sidaas waxa tidhi Safiirka Denmarka Mette Knudsen, waxaanay intaas raacisay “Nabadgelyada, degenaanshaha iyo dib u soo kabasho waa in la gaadhsiiyaa gobalka Geeska Afrika, waxa muhiim ah in dhammaan colaadaha la dhammeeyo oo ay ku jirto ta’ u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya.”

Ergayga dalka Holland u qaabilsan Kenya oo sidoo kalena qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa isna yidhi “Waa muhiim in wada jir loo shaqeeyo. Idinka [Somaliland iyo Soomaaliya] waxaad haysataan taageeradayada si loo xaqiijiyo dhiirigelinta nabadda.”

Warbaahinta Kenya ee warkan baahisay ayaa sheegtay inay suurtogal tahay inay beesha caalamku madaxda Somaliland iyo Soomaaliya kulansiiso, iyadoo goobta ugu haboon ee ay ku kulmi karaana ku tilmaantay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Kulan loo qorsheeyay inuu bishii March Djibouti ku qabsoomo oo  la filayay inay ku kulmaan Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa baaqday ka dib markii ay dawladda Soomaaliya si adag uga hortimid maalgashiga ay DP world ku samaysay dekedda Berbera iyo saldhiga UAE laga siiyay Berbera.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here