“Safarka Madaxweynaha Miyaan Loo Fasiran Karin Haddaan Madaxweyne Ahay Meel Aan Isaaq Joogin U Hoyan Maayo”

0
609

IBRAHIM-MAHDI-BUUBAAHargeysa(Geeska):-Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa si adag u naqdiyey safarka uu madaxweyne Siilaanyo ku maraayo gobalada galbeedka Somaliland, waxaana uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in madaxweyne Siilaanyo uu u hoyan waayey magaalada Boorama, halka uu laba habeena u kala hoyday labada magaalo ee Bali-gubadle iyo Wajaale oo isu jira 20-Km, waxaana uu carabka ku dhuftay in uu madaxweyne Siilaanyo uu quudh-saday dad weynaha iyo shacbiga ku nool gudaha magaalada Boorama kuwaasi oo u baahna baa uu yidhi in uu kala hadlo tabashooyinkii iyo sida oo kale xiisadihii siyaasadeed ee muddooyinkii danbe ka taagnaa gobalka Awdal. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta ku lahadlaayey magaalada Hargeysa."Waxaa aan la wada soconaa in khamiistii uu safar madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ugu baxay gobalada galbeedka Somaliland, ugu horeyna uu ku sii maray gabiley, ka dibna uu yimid gobalka Awdal, waxaad ka war haynay oo aan in badanba ogeydeen in cabashooyin badan oo isa soo tarayaa ay yaaleen gobalka Awdal, waxaa aynu ka war haynay in rabshado, iyo qalalaase siyaasadeed uu ka taagnaa gobalkaasi, illaa hadana aan xukuumadu xal u keenin oo aan xal laga gaadhin, waxyaalahii ay ka kaceen rabshadahaas, buuqaas iyo qalalaasahaas siyaasadeed ay xukuumadu qeyb ka ahayd oo ka bilaaban tay tabashadii iyo cabashooyinkii madax dhaqameedkii gobalka Awdal, ay ula yimaadeen xukuumada Axmed Siilaanyo hogaaminaayo ee laga hoos qaadi waayey, waxaa la filaayey oo la sugaayey lana eegayey oo caqliga saliimka ahina inoo sheegayey oo safarka madaxweynahu uu ku qotamay in uu soo afjaro ama uu wax ka soo qabto, tabashooyinkii iyo cabashooyinkii ee umadda gobalka Awdal ku dhaqan, ay u soo jeediyeen xukuumada, lama fileyn nasiib darada dhacday in madaxweynahu tamashle uu ku tago gobalkaasi, isla markaana uu magaalo madaxdii gobalkaasi uu si dhib yar iskaga dhaafo”Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaan ka war haynaa in markiiba uu madaxweynahu markii uu gaadhay gobalka Awdal uu magaalada Dila kaga leexday jidkii oo uu ka leexday, halkaana ay ku soo dhaweeyeen koox wasiiradiisa ka tirsani, oo aad arkayseen oo isaguba uu salaanta ka qaadanayey, malaha dee madaxweynahu waxaa uu moodayey dadweynahii daganaa oo salaamayey dabadeedba magaranaayo arrimo macdan iyo buurta Siimoodi la yidhaahdo iyo wax la mid ah ay kaga wada hadleen halkaasi, nasiib darro se may dhicin in uu arrintan halkii loo baahna laga'ga hadlo iyo tabashadii madax dhaqameedkoodu ay qabeen, goor fiid ah oo habeenimo ah ayuu madaxweynahu soo galay magaalada, waana magaaladii aynu filaynay in uu la hadlo wax garadkeeda iyo aqoonyahankeedaba oo uu ku nagaado muddo, gacantana soo mariyo qofkasta tabashadiisa, waxa kale oo wax lala yaabo ah in madaxweynahu uu saacad iyo wax ka sii yar uu ku ha kaday gudaha magaalada Barbera, oo uu halkaasi kula kulmay xooga madax dhaqameedka ka tirsan, waxbana aan lays odhan, waxaa ay arrintii noqatay arrin mucjiso ah ka xisbi ahaana aanu u adkaysan kari weynay oo nagu ka liftay in aanu ka xisbi ahaan aanu ka hadalno".

Ugu danbeyntiina Afhayeenka xisbiga Waddani, waxaa uu ka hadlay sida ay ka xisbi ahaan ay arrintani ula muuqato, waxaana uu tilmaamay in ay si aada uga xun yihiin in madaxweyne Siilaanyo uu quudh saday guud ahaanba shacbiga ku dhaqan gobalka Awdal."Waxaa ay noola muuqatay in aanu madaxweynahu diyaar u ahayn tabashooyinka iyo cabashooyinka gobalka Awdal iyo xasaasiyadii siyaasadeed ee ka jirtayba haba yaraatee in uu wax ka qabto, oo haba yaraatee wax xal ah oo uu u hayo ama uu doonayo in uu arrintaa ka gaadha aanay jirin, waxaa ay noola muuqatay in uu madaxweynahu u badheedhay oo uu ugu talo galay in uu ka sii cadhaysiiyo waliba muwaadiniintii dagmada iyo gobalka Awdal, ku dhaqnayd ama daganaydba ka dib markii ka dib markii uu madaxweynahu uu laba dagmo oo Wajaale iyo Bali-gubadle ah oo 20-KM in ka yar isu jira uu Laba Habeen u kala hoyday, magaaladii Boorama ee cabashadu taalay ee laga filaayey in uu dadka deegaankaas uu la hadlo oo uu wax ka qabto cashooyinkoodii iyo tabashooyinkoodiiba uu saacado kaga baxay, markaa miyaan loo fasiran karin haddaan madaxweyne ahay meel aan Isaaq joogin u hoyan maayo, Boorama wuu ka saaray madaxweynahu, waxaa ay arrintaasi nagu noqotay arrin mucjiso ah oo aanu qaadan kari weynay oo aanu liqi kari weynay, waana aanu ka tacsiyadeynaa gobalka Awdal arrintaa fajacisada ah ee ku dhacday"Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.