Safaaradda Itoobiya Ee Hargeysa Oo Ka Hadashay Hakadka Ku Yimid Fiisayaashii Ay Bixin Jirtay, Sababaha Keenay Iyo Wakhtiga Ay Dib U Bilaabayso

0
217

 

 

itoobiyaHargeysa, (Geeska)- Safaarada dawlada Itoobiya u fadhida Hargeysa ayaa xaqiijisay in maalinta arbacada ah dib u bilaabi doonaan hawshii bixinta fiisayaasha dal-ku-galka oo muddo laba toddobaad ah xanibnaa, wada xaajoodna kala yeesheen masuuliyiinta wasaarada Arrimaha Dibedda  Somaliland.

 

Mr, Taye Tesfaye, oo ah ku-xigeenka Qunsulka Guud ee safaarada Itoobiya ku leedahay Somaliland ayaa sheegay in sababta kala go’a fiisayaashii ay sababeen dhamaadka waraaqahii loogu talo galay, isla markaana dalabkii codsigooda fiisayaasha cusub maanta soo gaadhi doonaan xafiiskooda Hargeysa.

Mr. Taye Tesfaye, oo wargeyska Geeska Afrika, wareysi gaara oo uu kala yeeshay  ku weydiiyey xilliga ay bilaabi doonaan hawshii bixinta fiisayaasha dal-ku-galka, iyo sababaha keenay hakadka ayaa sheegay, “Waxa naga dhamaaday waraaqahii fiisayaasha, kuwii cusbaana maanta ayaan filaynaa, waxii ka bilaabma arbacadana sidii caadiga ahayd ayey u bilaabmi doonaan hawlahii bixinta fiisayaasha.”

Isagoo ka jawaabayey in sababaha wiigag hakadka keenay  ku jiraan taxadir xaga amaanka iyo in masuuliyiinta wasaarada Arrimaha dibbedu kala soo xidhiidheen arrinkan oo saamayn ku yeeshay muwaadiniin badan, ayaa sheegay, “Laba wiig ka hor ayuu hakadku yimi oo warqadahii xabagta lahaa ee fiisayaashu dhamaadeen, wax haba yaraatee saamayn ku yeeshay ma jiro amaan ama wax kale. Wax mushkilad naga horyimi ma jiraan. Haa waan ka wada hadalnay sababaha hakadka keenay iyo xilliga hawsha fiisayaashu bilaabmayso  masuuliyiin wasaarada arrimaha dibedda ka tirsan.”