Saddexda Xisbi Qaran Iyo Guddiga Doorashada Oo Isla Qaatay Nidaam Cusub Oo Diiwaangelineed Oo Casri Ah

0
525

Picture8Hargeysa(Geeska)-Saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka ayaa dood dheer kadib si rasmi ah isula qaatay nooca diiwaangalinta ee ay Somaliland u baahantahay inay doorashooyinka ku gasho.

Diiwangalintan ayaa noqonaysa mid aad u casriya oo qofka is diiwangalinaaya laga qaadi doono faraha iyo indhaha, isla markaasna uu kombiyutarku qaban doono qofka damca inuu mar labaad ku celiyo codaynta.

Waxa sidaas warbaahitna u sheegay ku simaha xoghayaha guud ee xisbiga Ucid Naasir Yuusuf  Qodax oo shirkaas ka qaybgalay, isla markaasna warbaahinta la hadlay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaaya uu yidhi “Waxaad ogtiiin markii ay yimaadeen qolyahii inaga caawin jiray doorahsooyinka,markaas shirbaanu la galnay Creative Associate oo mudooyinkii ugu danbeeyay dalka ka waday sahamin ku saabsanayd sida ugu fiican ee lagu qaban karo diiwaangalintii,afar nooc ayaanay xisbiyada u soo bandhigtay iyo komishanka doorashooyinka in la qaato mid ahaan,kaas oo lagu samayn karo diiwaangalin aan ku noqnoqosho lahayn,taas oo uu kombiyutarku qaban doono waxii ku noqnoqosho ah,shir dheer oo ay wada galeen saddexda xisbi iyo komishanku waxay isku afgarteen diiwangalin u shaqaynaysa habka casriga ah  oo la yidhaahdo Biometric taas oo la jaanqaadaysa tignoolajiayda casriga ah oo aan qofka u saamaxayn inuu ku noqnoqdo,qofka waxa laga qaadi doonaa faraha iyo indhahaba haddii uu is yidhaahdo goob kale ka qaadana  kombiyutark ayaa qabanaaya,habkan aynu maanta qaadanay waa mid inagu cusub.”