“Saddex Xisbi Ayaa Tartan Ka Dhexeeyaa, Yaanu Gudoomiyaha Guurtidu U Eekanin Inuu Isaguna Tartanka Ku Jiro, Waayo Wuxuu Noqonayaa Nin Dabaysha La Tartamaya”

0
490

Picture6Hargeysa(Geeska)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saddexda xisbi iyo xukuumadda ku bogaadiyay heshiiska laga gaadhay khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta, isagoo guddoomiyaha golaha guurtida ugu baaqay inuu aqbalo heshiiska khilaafka lagu soo afjaray. Md. Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya xalay u waramay Geeska Afrika, wuxuu guddoomiye Saleban Maxamuud Aadan ugu baaqay inuu qaato talaabo guurtinimo oo la mid ah talaabooyinkii Alle haw naxariiste guddoomiyihii ka horeeyay Sheekh Ibrahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, uu wakhtiyo adag oo kala duwan dalka ku badbaadiyay.

Cawil oo ka hadlaya khilaafka ka dhashay heshiiska xisbiyada wuxuu yidhi  “Horta siyaasadu waxay u baahantahay in meel fog wax laga eego, waayo masiir umadeed ayaa meesha yaala oo ka weyn shakhsi, xisbi iyo gole intaba. Mustaqbalka umaduna maaha in lagu saleeyo siyaasadda maalintas taagan, oo iska leh xintankeeda, siyaasiyiinta iyo goleyaashu ma rwlaba waa inay maanta ku hayaan waxa umadooda u dan ah, xag nabadeed iyo xag horumarineedba, arrinta maanta taagan ee la isku hayaa waa faraq au dhexeeya muddo kordhinta guuritda iyo heshiiska saxaabta oo madaxweynaha iyo xigeenkuna ay barakeeyeen. Golaha guurtidu waa gole sharaf leh iyo ixiraamba, way fiicnaan lahayd in golaha guurtida iyo asxaabtu meel isugu yimaadaan oo arrinta mar hore dhammeeyaan, kordhinta guurtida waxa garab yaala  go’aankii muddo kordhinta ee saddexda xisbi ay ku heshiiyeen ee uu madaxweynuhuna barakeeyay. Madaxweynuhu wuxuu huwanyahay sharafta iyo karamada umadda, ixtiraam ayaanu mudanyahay, arrin uu goob joog ka yahay oo lagu heshiiyay waxa muhiim ah in cid waliba soo dhawayso, hadday tahay gole, asxaab iyo dadweynaba.”

Isagoo Cawil si toos ah ula hadlaya guddoomiye Saleban wuxuu yidhi  “Guddoomiye Saleban waxaan xasuusin lahaa in qofku marka uu xil culus hayo ee ay arrin culusi la soo deristo waxa marmarka qaarkood loo baahanyahay in qofku isweydiiyo sidee uu qofkii xilkan kaaga horeeyay uu arrintaas ula tacaali lahaa. Waxaan qabaa in Alle haw naxariistee Sheekh Ibrahaim  hadduu maanta nool yahay soo dhawayn lahaa go’aanka ay asxaabtu gaadheen, madaxweynaha iyo ku xigeenkuna ay aqbaleen, shir dambena uu u  qaban lahaa golaha guurtida si ay muddo kordhinta ugu saleeyaan heshiiska asxaabta. Waayo wuxuu dareemi lahaa in dadkiisa oo heshiiyay ay tahay guushiisa, waxaana la xasuusanyahay inta wakhti ee aan la tirin karayn ee uu Alle haw naxariistee Sheekh Ibrahim isagoo huwan karaamada golaha guurtida uu badbaadiyay Somaliland oo uu qaatay go’aan geesinimo leh.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Saleban ugu baaqay inaanu isu arag inuu isna tartan ku jiro, “Saddex xisbi ayaa tartan ka dhexeeyaa, yaanu guddoomiyaha guurtidu u eekaanin inuu isaguna tartanka ku jiro, waayo wuxuu noqonayaa nin dabaysha la tartamaya. Dadweynhuna yaanay u arkin golaha guurtida inay ka soo horjeedaan wixii umadda maslaxadi  ugu jirto, weelka marka dheehu ka dhaco wuu soo xumaadaa, yaanu dheehu ka dhicin golaha guurtida, taas oo ay ku waayi karaan kalsoonidii soo jireenka ahayd ee ay umaddu u haysay golaha guurtida.” Ayuu yidhi Cawil.

Wuxuu shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland ugu baaqay inaanay iyagu isku jeedsan ee ay eegaan waxyaabaha hareerahooda ka dhacaya, “Haddii qof shakhsiya la dhex dhigo kayn wada muraayada, qofku markuu kayntaas galo wax ka luma meeshuu ka soo galay iyo meeshuu ka bixi doono, isaguun baa isu muuqda, waxaanu noqdaa qof ay tallo agtiisa ka fogtahay, sidaas qofka kaynta muraayada ah ku jira ee isaguuni is arkaya yaynaan noqon ee aan hareerahaneena eegno oo aan nabadgelyada iyo qaranimada ilaashano. Golaha guurtiduna waa inay aqbalaan  heshiiska asxaabta si ay umaddu uga baaqato tafaraaruq.” Ugu dambayn wuxuu Cawil Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu isugu yeedho shirguddoonka guurtida iyo xisbiyada si loo soo afjaro muranka siyaasadeed ee taagan, “Waxaan ku talin lahaa in madaxweynuhu shir ay albaabadu u xidhanyiihin u qabto shirguddoonka golaha guurtida, iyo xisbiyada si  arrintan xal deg deg ah looga gaadho, waayo sumcadeenii banaanka ayay dhaawacaysaa.”