Dawladda Muqdisho Oo Masar Heshiis Kula Gashay Horumarinta Dekedda Berbera Ee Somaliland

0
553

Picture5Qaahira (Geeska)- Wasaaradaha beeraha, iskaashiga caalamiga ah iyo ganacsiga iyo wasaaradda warshadaha ee dalka Masar ayaa ku hawlan dadaallo ay iskaashi dhinacyo badan oo dhaqaale kula samaynayaa Soomaaliya, waxaana muddooyinkii u dambeeyey jiray heshiisyo kala duwan oo wasaaradahani muddooyinkii u dambeeyey la galayeen wasaaradaha dhiggooda ah ee Soomaaliya. Haddaba heshiisyada kala duwan ee ay Masar la gashay Soomaaliya waxaa ka mid ah mid lagu sheegay in lagu horumarinayo dekedda Berbera ee Somaliland oo aanay dawladda Somaliya ka talin, si ay marin ugu noqoto waxyaabaha loo dhoofinayo dalka Masar, oo uu ka mid yahay hilibka lo’du. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Misr Al-youm oo ka soo baxa dalka Masar waxa uu sheegayaa in dawladda Masar ay dawladda Soomaaliya kula heshiisay horumarinta kaabayaasha lagama maarmaanka u ah wax-soo-saarka Soomaaliya ee loo dhoofin doono Masar, waxaana kaabayaashaa ka mid ah in la dhiso kawaanno xoolaha lagu qalo iyo maxjarro lagu daryeelo caafimaadka xoolaha nool, waxaana maalgelinaya ganasato Masaari ah.

Wargeyska Al-Misr Alyoum waxa uu intaas ku daray in labada dawladood heshiisyadan ku kala saxeexanayeen safar uu Jimcihii wasiirka beeraha ee Masar Salaax Hilaal ku tegey magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, lana shaaciyey in uu kulamo la qaadanayey wasiirka xanaanada xoolaha ee Soomaaliya.

Xasan Xaafid oo madax ka ah Jimciyadda Xoolaha ee Afrika ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyskan Al-Misr Alyoum waxa uu ku sheegay in lagu wado in wasiirrada wasaaradaha aynu kor ku xusnay ay dhiggooda Soomaaliya wada saxeexanayaan heshiis iskaashi oo u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, gaar ahaan Is-dhaafsiga ganacsiga oo ah in badeecadaha cuntada ah, dawooyinka iyo qalabka guryaha laga soo dhoofiyo dalka Masar, Soomaaliyana dhinaceeda dalka Masar u dhoofiso  hilibka, xoolaha nool iyo kalluunka.

Xasan Xaafid waxa uu wargeyskan u sheegay in Soomaaliya ay caan ku tahay dhoofinta xoolaha nool, iyada oo tirada xoolaha nool ee ku dhaqanna uu ku qiyaasay illaa 30 Milyan oo neef.  Dhinaca kalana wasiirka Beeraha ee Masar Dr. Salaax Hilaal ayaa sheegay in  dalkiisu uu hadda diyaar u yahay in uu fuliyo barnaamijyo kor loogu qaadayo tayada farsamo ee ruug-cadaaga Soomaalida, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhinacyada horumarinta khayraadka xoolaha iyo kalluunka.

Dawladda Masar ayaa u muuqata inay iska indho tirayso xaqiiqda jirta ee ah inaanay dawladda Somaliya ka talin dekedda Berbera oo ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo xorriyadiisa la soo noqday 18 May 1991.

 

fa?eao?=K?_Ksa iyo duruufaha uu kala kulmay gacanta Maraykanka, qoraalkaas oo uu doonayey in qareennadiisa uu ka caawiyo dacwadda iyo doodaha maxkamaddu marka ay bilowdaan. “Arrintani (Faafinta buuggu) waxa ay qaadatay muddo 7 sano ah oo la soo maray wada-xaajoodyo iyo dacwado maxkamadeed oo ka dhan ah xukuumadda Muritaaniya, si ay u ogolaato in buuggaas la faafiyo” ayaa ay tidhi Hana Shamsi, iyada oo intaas ku sii dartay in xitaa markii ay xukuumaddu ogolaatay faafinta buuggan ay qasab kaga jartay in ka badan 2500 oo erey iyo hawraar ba leh. Iyada oo shaaca ka qaadday in waxyaabaha ugu badan ee buuggan laga jaray ay yihiin ereyo iyo hadallo badankoodu ahaa magacyada dembibaadhayaasha Salaax waraysan jiray iyo ilaaladii, sidoo kale waxaa la jaray maansooyin uu curiyey Maxmmadu Walad Salaax qudhiisu. Dhammaan nuskhadaha afafka kala duwan ku soo baxay ee buuggan waxaa ka dhex muuqda khad madow oo la mariyey meelo badan oo ah meelaha la jaray, taas oo qofka akhristaha ah mar kasta xasuusinaysa sida adag ee xukuumadaha ay arrintani khusaysaa ugu dadaaleen in aanay ku soo bixin wax aanay ogolayn

 

Xusuus qorka Guantanamo waxaa ka buuxa ficillo iyo dhacdooyin meel-ka-dhac ku ah bani’aadamnimada, kaftan iyo murugo, mararka qaarkoodna waxaas oo dhami mar keliya ayaa ay kuwada kulmayaan.

Haddii aynu qoraalka buuggan in yar hoos dhaadhacno, mar uu qoraagu ka sheekaynayo duruufaha uu la kulmay intii uu isaga gudbayey xabsiyada kala duwan ee uu Maraykanku ku hayey intii aan Guantanamo la geyn, “Argagax ayaa ay igu ahayd mar dhegaha ay ii geliyeen laba dabool oo u eeg sameecadaha dhegaha. Waxa aan u qaatay in uu yahay hab cusub oo uu Maraykanku ku nuugo dhammaan waxa ku jira maskaxda bani’aadamka, kadibna toos loogu shubayo kombiyuutar weyn si warkaas loo lafa-guro. Kama aan baqanayn xogta maskaxdayda laga nuugi doono, laakiin waxa aan ka baqo qabay xanuunka uu isu gaadhsiin doono xoogga koronto ee xadhkaha dhegaha la iga geliyey marayaa, waxa ay ahayd arrin doqonniimo ah. marka ay cabsi ku gashay sida aad tahay ahaan maysid, balse waxa aad mar labaad dib ugu noqonaysaa ilmo yar”

Dhinaca kalana Maxfuud Walad Salaaxi oo ay walaalo yihiin Muxammadu Walad Salaaxi ayaa dawlad Muritaaniya ku canaantay dhibta ku dhacday walaalkii. Maxfuud oo ah Injineer Kombiyuutarrada ah oo dalka Jarmalka deggen ayaa mar uu ka hadlayey aragtidiisa buuggan uu walaalkii qoray waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Qofka akhriya buuggani waxa uu garanayaa sida uu Muxammadu Walad Salaaxi beri uga yahay qiraallo hore looga faafiyey markii baadhista lagu samaynayey, waxaana caddaanaysa in qirashadaas hore ku timid ciqaab la mariyey”

Isaga oo sii faahfaahinayana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Qofka akhriya baadhitaannada lagu sameeyey Maxammadu ee ku qoran buuggan waxa uu garanayaa in qiraalka la sheegayaa uu yahay samays iyo malo-awaal. Waxa ay ku odhanayeen, waa aad garanaysaa hebel iyo hebel, waxa aad ku wada tukan jirteen Kanada ama Frankfurt” Maxfuud Walad Salaax waxa uu intaas ku sii daray, “Warka oo koobani waa in waxa walaalkay ku dhacay uu yahay shirqool liita” Halka Hana Shamsi ay iyaduna warkeeda ku soo gunaanadday, “Ciqaabta xusuus-qorkan ku cad waxa aynu ka baranaynaa laba arrimood: ta koowaad waa in ciqaabta la mariyey ay aad u xanuun badnayd, ta labaadna waa in Maxammadu Walad Salaaxi uu ciqaabtaas darteed macluumaad been abuur ah u bixinayey”