Saddex Sababood Oo Waraabaha Ka Dhigay Mid Ka Mid Ah Xawaannada Akhlaaq Ahaan Ugu Liita Noolaha

0
1051

 

Inkasta oo aanu xayawaanku lahayn garaad la mid ah kan aadamaha, haddana waxaa xaqiiq ah in ay leeyihiin habdhaqanno iyo dabeecado kala Sharaf iyo xurmo badan. Tusaale ahaan qaabka ay ugaadhooda u dilaan, qaabka ay u cunaan, iyo qaabka ay iyaga dhexdoodu u macaamilaan. Waraabuhu waxa uu ka mid yahay xayawaannada lagu tiriyo in ay ugu habdhaqan liitaan, gaar ahaan dhinaca akhlaaqda bani’aadamku tixgeliyo.

Dabeecadaha aan la jeclaysan ee uu leeyahayna waxaa ka mid ah:

– Waxa uu cunaa bakhtriga, oo xitaa haddii uu qudhmay aanu urta iyo qudhunka kaga tegin.

– Waraabuhu waa xayawaanka keliya ee noolaha uu ugaadhsado cuna isaga oo nool. Halka xayawaannada kale dhammaantood ay marka hore dilaan, oo illaa ay hubiyaan in uu dhintay aanay cunin.

– Waraabuhu waa xayawaan xitaa haddii uu aad u dheregsan yahay ama ugaadh badan oo kale dilay, aan ka tegin ugaadh nool oo uu dili karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here