Saboolka Ciilan Qalinkii Maxamed Shucayb Axmed (Marty Mohamed)

0
878

Waa  aabo iyo hooyo farxad ku wada nool, waxa Alle SWT  ku arsaaqay wiil, mar waa u curad oo ubad isaga ka kow ah, marna waa u guri dambeys oo dabadii ilaa imika waxba ma ay dhalin, waxa uu jiraa todoba gu’, aad ayay u jecel yihiin, dhowrid, ka warheyn, la qosol iyo la ciyaar badan oo dhunkasho kalgacayl iyo naxariis waalidnimo leh ayaa kolba dhabanka iyo madaxa gawda lagu hayaa. Waa Qoys middeysan, is og misana jaceylka iyo farxadu muuqooda aad ka dheehaneyso. Waxa qoyska u carruur ah waa wiilkan, farxadooda dhamaan waa isaga, waxay dadaal joogto ah ugu jiraan korniinka wiilkooda iyo sidii cidhibta wiilkan u noqon lahayd mid mustaqbal fiican oo guuleysata.

Aabaha wiilkan dhalay waxa uu ku dadaala in uu wiilkiisu helo wax kaste oo uu jecel yahay, waxaase inta badan farxada wiilka kala dhantaala  duruufaha nololeed ee qoyskani ku nool yahay.

Xaalada qoysku u saamaxi meyso in uu siiyo waxyaalo badan oo caruurta qayrkii ku ciyaaran ama ku farxaan hadana ma dadaal yara. Aabaha wiilkani waa muruq maal xallaal cun ah, waxa maalinoo dhan uu ku maqan yahay xoogsi waxa uu hayaa shaqo adag, oo culeys iyo dhib leh, waa dhib naftiisa iyo oogadiisaba gaadheysa, waa shaqada aynu ugu yeedhno Xamaal. Waxa aabahan caado u ah in marka uu wiilkiisu u baahdo dhar uu yareeyo ama uu meeshaba ka saaro in isagu uu doono dhar ama uu soo iibsado, sababtuna tahay si wiilkiisu u helo dhar wanaagsan oo uu inta faciisa uu farxad ku dhex joogo. Waxa aaabahni leeyahay haddii laga tagi waayo waa laba surwaal iyo laba shaadh oo anay wax kale u dheereyn, waa mar gashi aan isaga u muuqan.

Dhisida iyo ku dadaalka mustaqbalka wiilkan kuma koobna hun iyo hunguri raadis ee waxa wiilku uu waxbarasho u tagaa mid ka mid ah dugsiyada ku yaal magaalada oo inta badan lagu xanto tayada waxbarashada oon wanaagsaneyn. Waa dugsi dawladeed oo u dhaw gurriga qoyskan.

Wiilkan waxa uu inta badan ku riyooda kuna hamiyaa  in uu kasoo soo tooso bangalo qurxoon sida caruurta jaarkiisaa, Waqtiga waxbrashadana gaadiid kaso qaado gurigooda oo uu tago dugsiyada qaaliga ah ee macalimiinta wanaagsani joogto hase ahaatee ma arko xaalad u saamaxaysa in uu helo hamigiisa.

Waxa aabaha wiilkan uu ku baxaa farxad waxaana uu kuso noqdaa farxad, waa aabe wanaagsan oon qalbi jab iyo hiifid midna ka muuqan, umana muuqato wax isbedel dhaqaale ah oo noloshiisa ku yimada, ma helo taageero, garab istaag, caawin iyo dhiiri galin ehel iyo qaraabo, ha dhawaato ama ha dheerato, waxa kaliya ee ag taagan oo markasta, meelkasta iyo xaalad kasta dhiiri galin, dedaal, farxad iyo jaceyl la ag joogta waa ooridisa oo  marna aan ka jeesan misana aad u jecel.

waxa aabahani ka baxaa guriga waqtiga geed iyo ruux lakala garto, soo noqodkiisuna waa fiid madoobaadka, maalin waa wax la’aan maalin kalena waa uu soo helaa biilka qoyska. Waa xaalad adag, waa imtixaan eebe oo samirkiisa looga baahan yahay.

Aabahani kama quusan, kama rajo dhigin oo faraha dib ugama celin baryada iyo rajada Eebe weyne SWT.

Meeshu waa magaalo oo oo kama maqna dhaqamadii lagu yaqaanay dad magaalo, maciishadu kor usii socod mooye hoos usoo noqod maleh, waxa ugu daran waa dhuxusha uu qoyskani wixii maalinkaa lasoo helo ku bisleyn lahaa, waxaase ka daran waa gaas oo hoygii madaw ma noqon karo. Lamaanahan mugdiga gurigu waxba uma arkaan, waxaase iftiinka lala doonayaa waa wiilkooda si casharadii maalintaas uu soo qaatey uu habeenkii ugu muraajaceeyo uguna daalacdo iftiinka cas een badneyn ee faynuuska kasoo ifaaya.

Ma jirto dawlad xoogan oo shaqo abuur u sameysa dadka intaa aan shaqeyn ku darso oo waxaaba loogu yeedha qalcada ay ka dagan yihiin magaalada “Xaafada Danyarta”. Waa magaalo lagu wada nool yahay taajir iyo faqiirba, intaba waxa hunka iyo hungurigooda gacanta ku heysa ganacsato magacyo kala duwan leh, alaabo iyo cuntooyin kala duwana soo waarida oo kolba qiimaha cirka ku shareerta.

Guri danyar, maxaad ka filli, roob ma celiyo oo habeenkaa waa u taagni iyo biyo celis. Dhaxan celis iyo dugsi toona ma leh, ma badna inta huwasho ah ee guriga taalaa dhaxanse in ay ka celiso hasoo hadal qaadin.

Magaaladu iskama war heyso, waa wada war moog waxaana loo kala baxey danyar iyo danweyn aan laba socon in cid iyaga ka hooseysa inay jirto.

Waxa ka jira magaalada loolan iyo legdan siyaasadeed ha ugu darnaato dawlada ka talisa dalka. Waxa shantii sannaba hal mar la qabtaa wax doorasho lagu sheego oo shacbiga botorinta, qooqa iyo qaylada lala dul maro laguna dhiiri galiyo in ey codeeyaan. Waxa hadba soo booqda nin madax loogu sheego oo xisbi hebel buu ka socdaa ah, waxa ku lamaan dad dhadhamo raac ah oo isaguun hadalkiisa mooye midkale dhag u dhigin.

Duruufaha adag ee ku xeeran qoyskan iyo xaaladaha ka jira magaalada waa kuwo saameyn ku yeeshay shaqadiisi waxaase aabahan go’aankiisu yahay in aan dhag iyo deymo toona u dhigin ee uu hadba xoogiisa meesha uu kaso helaayo ku jarmaado.

Kolba waa nooc, hadba waa ceyn, mar dhib mar kalena waa dharag, mar waa farax iyo badhaadhe mar kalena waa murugo iyo madaw, mar waa caafimaad marna waa cudur, mar waa amakaag iyo yaab mar kalena waa degenaan, waa nolol oo inta la nool yahay kolba waa cayn.

La soco…………….