Faallo: Dannaha Is-Diidan Ee Danneeyayaasha Doorashooyinka Mohamed Hassan Daacad …(Q. 2aad)

0
741

-Badhtamahii sannadkii 2015-ka,waxa markaliya warbaahinta iyo dadweynaha reer Somaliland-ba ka-war-heleen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo aan Xukuumadda ugu ad-adkayn sidii uu kusoo ahaa muddadii shanta sanno ahayd ee ay jirtay,isaga oo mar ahaa mucaaradka kali ah ee ay Lahayd Xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO,waxaana wakhtigaas aan muuqaal mucaarad-nimo lahayn Xisbigga WADDANI oo uu gudoomiye ka yahay Cabdiraxmaan-cirro.

Maxaa is-bedelay?

Wax is-bedelay arrimo badan oo aan qallin lagu koobi Karin; waxa su’aal la-galiyay awoodda fulineed ee Madaxweyne SIILAANYO oo ay ku-dhawaad 50% doorteen dadweynihii coddeeyay Doorashaddii Madaxtooyadda ee dalka ka qabsoomtay 26 JUNE,2010-kii.Waxa soo if-baxay awooddo is-wiiqaya oo ku kala abtirsadda Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE.Awoodahaas is-hayay,ayaa waxay gacan-saar la-yeesheen xubno kale oo dibadda joogay oo ay qaarkood mucaarad-xoogan-yihiin,waxaana Xukuumaddii loo kala garan-waayay Xukuumad ka dhalatay Xisbigga KULMIYE iyo Xukuumadda Sal-balaadh ah oo ay ku  midoobeen Xisbiyo badan.Waxa guud ahaanba Saaxadda ka bixi gaadhay Xisbigii KULMIYE ee ay ka dhalatay Xukuumadda dalka hogaamisa.Is-qab-qabsigaas iyo kala-danaysiggaas Xukuumadda iyo Xisbigeeda ka dhex-jiray,ayaa isla-mucaaradka ka dhex-jiray,waxaanay noqdeen Mucaarad isku-mucaarad ah oo awooddii iyo tamartii ay ku waajihi lahaayeen Xukuumadda taladda dalka haysa,ayaa waxa dhacday inay iyagu isku-wiiqaan,waxaanay marar badan hawadda isu-mariyeen weedho xanaf leh oo muujinaya sida aan wax loo wada rabin ee loo kala rabo.

Siyaasiyiinta Madasha wadatashigu waxay sameeyeen dedaalo badan oo ay ku dhisayaan cududada mucaradnimo ee labadda xisbi,waxaana Hoteeladda MAANSOOR Iyo AMBASADDOR ka dhacay kulammo gaadhaya ilaa toban kulan,kuwaas oo dhamaantood ay dabadda-ka-riixayeen Siyaasiyiinta Madasha wadatashiga oo ah siyaasiyiin loo tixgaliyo Khibradda iyo waayo-aragnimadda Siyaasaddeed ee ay u leeyihiin waaqica la-joogo iyo oroska waxa soo socda,ujeedka ugu weyn ee kulamaddaas laga lahaa waaxay ahaayeen sidii Mucaaradku iskugu ogaan lahaayeen hal cod oo lagula hadlo Xukuumadda iyo Beesha caalamka ee Somaliland ka taageera hirgalinta Doorashooyinka,waxaana baaqii ugu cuslaa ee ay ku dhawaaqeen ka mid ahaa inay dhisayaan Dawlad ku-meel-gaadh ah oo Dalka doorashooyin u diyaarisa haddii ay Xukuumadda ka cago-jiido hawlaha u diyaar-garawga doorashadda iyo sidii looga fogaan lahaa muddo-kordhinta dhaqanka u noqotay Xukuumaddiihii kala danbeeyay ee Somaliland soo maray tan iyo markii la-hirgaliyay Nidaamka Xisbidda badan,balse baaqyaddaas cul-culus ee xukuumadda ka dhan waxa hadheeyay isu-muuqnaanta Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan-cirro. Eng.Faysal Cali Waraabe waxa uu si aan qarsooddi ahayn madallo badan oo la fadhiyay kaga dhawaaqay in Muddo-kordhinta xukuumadda ee laga sii dar-daar-warinaayo ay ka-daran tahay ta Gollaha wakiiladda oo uu sheegay inay toban sanno  kuraasta ku fadhiyaan,iyadda oo la doortay shan sanno oo kali ah,masuuliyadda eeddaasna uu leeyahay Af-hayeenka gollaha wakiiladda oo sidoo kale ah gudoomiye Xisbi Mucaarad,waxaana uu marar badan carrabka ku adkeeyay in inta aan laga hadal Doorashadda Madaxtooyadda laga hadlo ta Gollaha wakiiladda oo uu tilmaamay inay dalka dhaawac ku tahay inay mudada intaas leeg sabab la’aan kuraasta ugu fadhiyaan.

Muxuu Yahay Is-fahamka Dhex-maray Gudoomiye Faysal Iyo Musharax Muuse Biixi Cabdi?

Inkasta oo labadda dhinac midna xaqiijin inay wada-shaqayn muuqata yeeshaan,haddana dadka siyaasadda faalleeya waxay tilmaamayaan qodobbo Faysal iyo Muuse mid kastaba dhinaciisa muhiim ugu ah,taas oo ay rabaan inuu mid kastaaba ka kale u hir-galiyo,si ugu yaraan uu arko inuu meesha ka saaray khatar midba ka kale kusoo fool lahayd,taas oo wiiqaysay mustaqbalkiisa Siyaasaddeed. Is-fahamka labadda dhinac gaadheen,ayaa sidoo kale waxa uu taabanayaa natiijadda kasoo baxda Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiiladda oo kii  hadba labadda Xisbi  guulaysta uu xisbigga kalena la-wadaagayo,haddii ay tahay Dhismaha Xukuumadda,Shir-gudoonadda Golayaasha qaranka iyo Mansabyadda kale ee muhiimka ah ee Dawladda,taas oo ay u arkaan inay u tahay Is-bahaysi cusub oo suuragal-nimadiisu ay fududahay,marka loo-eego saamaynta uu markaas yeellan-karo Xisbiga kale ee ay dhinaca uga soo wada-jeedaan.Taas ayaa loo arkaa inay tahay siyaasadda kalli ah ee hadda midaysay Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID,inkasta oo xisbi kastaba ay haystaan dhaawacyo siyaasaddeed oo guddahooda ah,iyada oo saamayn tabana ay ku yeelatay is-qab-qabsiyo hadheeyay Labadda Xisbiba. Xisbigga KULMIYE,ayaa waxa si weyn loo dhaliilaa habkii uu dhacay shir-weynihii gollaha dhexe ee lagu soo doortay Musharaxa Madaxweyne Iyo Ku-xigeen,kaas oo 10 November ka dhacay Hoteelka Maansoor ee Magaaladda Hargaysa,iyada oo lagu tilmaamay inuu afduub koox kalli ah ka-sheegatay Rag badan oo Xisbigga ahaa oo qaarkoodna ka tirsanaayeen hoggaan Xisbigga iyo Wasiirro awood badnaa oo iska casilay Xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO 26 October,2015-kii. Sidoo kale Xisbigga UCID oo ah ka ugu da’da weyn saddexda Xisbi ee hadda Somaliland ka jira,ayaa waxa uu markii labaad ka-garnaqaysa Maxkamadda sare ee Somaliland khilaaf qadhaadh oo soo kala dhex-galay Madax sare oo Xisbigga ka tirsan.

Qormaddeena soo socota waxay ku faah-faahin doonaa khataraha siyaasaddeed ee Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharax Muuse Biixi Cabdi uu mid kastaaba doonayo inuu ka kale ka caabiyo,si uu guulaysto qorshe-khariiradeedka ay samaysteen.

 

La-soco.. Qeybaha danbe,Haddii Eebbe Idmo.

W/Q:Mohamed Hassan Daacad,Suxufi,qoraa ah,

Email: Daacad461@gmail.com